Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo: Ma rabo federal ee waxaan doonayaa dowlad dhexe oo awood badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ka hadlayay arrimaha federaalka ayaa cod dheer ku dheegay in uu rabo dowlad dhexe oo awood leh.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay Jaamacadda Ummadda ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhexeeya dowladdiisa iyo dowlad goboleedyada dalka.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa doorka maamul goboleedyada ku sheegay kaliya inuu yahay daadajinta adeegyada.

“Qof kasta si ha u arko, wuxuu ka mid yahay dooda socota, oo ay dowladnimadeena ku dhismayso, oo aan ku fasireyno muxuu yahay federaal iyo muxuu yahay confederate (habka kale ee federaalka ee dowladaha isku biirey ), inkasta oo nala dacaayadeeyo, anaga waxaan niraahnaa federaalka saxda ah anaga ayaa ah” ayuu yiri madaxweynahu.

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay “Maxaa yeelay waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh, dowlad dhexe oo ciidan leh oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimo dibadeed oo adag leh, dowlad dhexe oo xuduudaheeda illaalisa.

Dowladda dhexe ee federaalka ayaa in muddo ah loolan adag kala kulmeysay madaxda maamullada dalka, kuwaas oo ay marar badan madaxa isla galeen.

Xiisada ugu daran ayaa haatan ka taagan Galmudug, waxaana ay ka dhalatay doorasho ay dowladdu u qaban qaabineyso inay dhacdo afarta bisha July ee soo socota.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this