Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Cali Mahdi iyo daartiisa cusub

Recommended Posts

Cali Mahdi Maxamed is building the tallest, most modern building in Muqdisho. Good for him investing such a major project in Muqdisho.

Laakiin waligey ma iloobi doono waxee Muqdisho iyo masaakiintii ku nooleyd ku dhigeen Cali Mahdi iyo odeygii kale ee waalnaa sanadkii 1991 dabayaaqadiisa iyo horaantii sanadkii 1992. Anigoo wiil yar ah ayaana joogay xilligaas Muqdisho, masiibadee sameyeen indhageyga ku arkayna. Muqdisho dhulka ayee la simeen afartii bilood bilaa micnaha ahayd ay duqeynta ku hayeen bilaa joogsi.

Mida labaad aan iloowi doonin waxee tahay sunta kiimikada ah uu ku aasay xeebteena iyo baddeena bilowgii sagaashameyadii, asagoo maafiyada Talyaaniga xoogahoo shilimaad ah ka soo qaatay. Labadaas dhacdo Soomaaliya ilaa iyo hadda wey ka soo kabsan la'dahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Afartii bilood oo ay u bixiyeen caga bararka oo dadku ku noolaa qolofta mooska iyo qaraha, waliba qofkii heli karay wakhtigaas,  dambigeedii luquntay ugu jirtaa ilaa yumu-diin.

Tan daarta waxay muujinaysaa in nabad iyo nolol muqdisho ka bilaabatay, dhisidda dalkuna waa ka baraka badan tahay dal shisheeye dhisidiis.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   
6 hours ago, gooni said:

Afartii bilood oo ay u bixiyeen caga bararka oo dadku ku noolaa qolofta mooska iyo qaraha, waliba qofkii heli karay wakhtigaas,  dambigeedii luquntay ugu jirtaa ilaa yumu-diin.

Tan daarta waxay muujinaysaa in nabad iyo nolol muqdisho ka bilaabatay, dhisidda dalkuna waa ka baraka badan tahay dal shisheeye dhisidiis.

 

Cagabararka had nothing to do with Cali Mahdi iyo ceydiid cagabararka waxaa sabab u ahaa reer Gedo  oo beerihii iyo bakaartii reer Bay& Bakool bililiqaystay.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   
8 hours ago, cadnaan1 said:

Cagabararka had nothing to do with Cali Mahdi iyo ceydiid cagabararka waxaa sabab u ahaa reer Gedo  oo beerihii iyo bakaartii reer Bay& Bakool bililiqaystay.

Reer gedo miyaa rartay masagadii reer baýdhabo?

Horay uma maqal afhayeenka reer gedo ma ahi balse waxaan rabaa inaan kuu sheego qabiil diinta si fiican u qabsaday oo isku duuban lagana nabad ģalay soomaaliya kuma noola.

Cali mahdi ama daar ha dhisto ama wado isku xirta aadan yabaal iyo ceel-juqow ha daah furo, waa gacan ku dhiigle adeer.

Afartaa bilood oo dad iyo dugaagba nolol u diideen aan kala joogsi lahayn waa taariikhaha ugu madaw soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gooni, abaartii xumeyd inkastoo ay soo socotay wali ma aynan bilaabin xilliga ee Cali Mahdi iyo Caydiid hilfaha isku qaadaayeen. Bisha Nofeembar, sanadkii 1991 ilaa bisha Maarso, sanadkii 1992 ayee toos dagaalkooda u socday. Nolol maalmeedka wey adkeyd waa runtaa laakiin abaar toos ah ma jirin. Sicirbararka waxaa keenay dalkii oo waxba soo galin afartaas bilood, gaar ahaan Muqdisho.

Abaarta Koonfurta waxee aad u xumaatay bishii shanaad sanadkii 1992 wixii ka dambeeye, markaa ciidamadii Caydiid u dhaqaaqeen deegaanada Koonfur Galbeed markee asaga iyo Cali Mahdi xabad joojin ku heshiiyeen. Caydiid iyo Moorgan ku hardamay deegaanadaas, dhacayna beerihii iyo soo faagayna masagii duugneyd loogu badbaadi lahaa abaaraha.

Cali Mahdi inkastoo dagaalka Caydiid la galay, he seemed like he was 'defending' himself, a reluctant fighter. Anyway, Xamar dhula ee la simeen.

Waana xasuustaa mar aan Dayniile u qaxno, mar aan Afgooye u qaxno, mar aan Madiino u qaxno. Xaafadda gurigeenana Bermuuda loo bixiyey oo guryihii ku yaalay dhulka la simeen, waana agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee Hodan. Keena lee taagnaa maadaama my old man diiday ka baxo hal habeen. Habeenkii waxaa xaafadrena heysan jiray Ciyaal Siigaale oo Cali Mahdi la jiray, subaxdiina waxaa imaanaayo kuwa Caydiid. Afar bilood saas la ahaa. What a comedic farce war.

Kuwa Siigaale fiidkii markee imaadaan cashada aabo loo kariyo la cuni jireen. Kuwa Caydiidna subaxdii canjeerada loo dubo ka cuni jireen iyagoo leh "odeyga madax adkaa, ma guriga dahab ugu duugan." Yanci ma garaneynin oo Mudug ka yimaadeen laakiin Ciyaal Siigaale garan jiray duqa, xishmadna u haaye.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

How much does the hotel cost and who financed it, Ali Mahdi alone or his partners and where did the money came from?.

It is good investment but it will be better to invest in manufacturing, fishing and agriculture.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Maskiin waa macluumaad u fiican qofaan goob joog ahayn mahadsanid

Saxankaa ay gacanta kula jireen sadaqo ma ahayn waa baad, ay u arkayeen inay xoraysteen hanti guud iyo mid gaara labadaba, dhaqankaasna wali kasii muuqdaa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
22 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Gooni, abaartii xumeyd inkastoo ay soo socotay wali ma aynan bilaabin xilliga ee Cali Mahdi iyo Caydiid hilfaha isku qaadaayeen. Bisha Nofeembar, sanadkii 1991 ilaa bisha Maarso, sanadkii 1992 ayee toos dagaalkooda u socday. Nolol maalmeedka wey adkeyd waa runtaa laakiin abaar toos ah ma jirin. Sicirbararka waxaa keenay dalkii oo waxba soo galin afartaas bilood, gaar ahaan Muqdisho.

Abaarta Koonfurta waxee aad u xumaatay bishii shanaad sanadkii 1992 wixii ka dambeeye, markaa ciidamadii Caydiid u dhaqaaqeen deegaanada Koonfur Galbeed markee asaga iyo Cali Mahdi xabad joojin ku heshiiyeen. Caydiid iyo Moorgan ku hardamay deegaanadaas, dhacayna beerihii iyo soo faagayna masagii duugneyd loogu badbaadi lahaa abaaraha.

Cali Mahdi inkastoo dagaalka Caydiid la galay, he seemed like he was 'defending' himself, a reluctant fighter. Anyway, Xamar dhula ee la simeen.

Waana xasuustaa mar aan Dayniile u qaxno, mar aan Afgooye u qaxno, mar aan Madiino u qaxno. Xaafadda gurigeenana Bermuuda loo bixiyey oo guryihii ku yaalay dhulka la simeen, waana agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee Hodan. Keena lee taagnaa maadaama my old man diiday ka baxo hal habeen. Habeenkii waxaa xaafadrena heysan jiray Ciyaal Siigaale oo Cali Mahdi la jiray, subaxdiina waxaa imaanaayo kuwa Caydiid. Afar bilood saas la ahaa. What a comedic farce war.

Kuwa Siigaale fiidkii markee imaadaan cashada aabo loo kariyo la cuni jireen. Kuwa Caydiidna subaxdii canjeerada loo dubo ka cuni jireen iyagoo leh "odeyga madax adkaa, ma guriga dahab ugu duugan." Yanci ma garaneynin oo Mudug ka yimaadeen laakiin Ciyaal Siigaale garan jiray duqa, xishmadna u haaye.

Buug in aad ka qortid weeye,hadii kale berri iyadoo si kale loo sheegi baa arki.

You are very objective person

Share this post


Link to post
Share on other sites
5 hours ago, maakhiri1 said:

Buug in aad ka qortid weeye,hadii kale berri iyadoo si kale loo sheegi baa arki.

You are very objective person

Wey fiicnaan lahayd, saaxiib, laakiin waa yaraa xilligaas marka dad iga xasuusqor fiican inay jiraan jeclahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was sitting on large beach-view terrace at Dolphin Hotel at xeebta Liido today, sipping cappuccino when I saw this same building under construction. It is located on a prime location. Here is the picture I took from Dolphin hotel's terrace:

IMG-20191003-171151.jpg

Alloow Xamar horumarkeeda u siyaadi.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
5 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

I was sitting on large beach-view terrace at Dolphin Hotel at xeebta Liido today, sipping cappuccino when I saw this same building under construction. It is located on a prime location. Here is the picture I took from Dolphin hotel's terrace:

IMG-20191003-171151.jpg

Alloow Xamar horumarkeeda u siyaadi.

Nice, Stay safe 

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am safe, saaxiib. Mahadsanid.

Xamar qof walba arrimihiisa ayuu ku mashquulsanyahay, property developent and building is booming, some even building modern apartment flats that hadn't been seen in the past.

What I also liked about Xamar is how almost each building and house has exterior large bright fluorescent light bulbs. On some streets, it is so bright, brighter than even with street lights. Like last night on Jidka Taleex at 8:30pm, it was so bright from the lights installed on exteriors of businesses and houses. I guess this is what is called isxilqaamid.

It is also relatively safe at night and some places come to alive after maqribka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.