Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia iyo Madaxa Hay’adda USAID oo ku kulmay Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay maanta maamulaha guud ee hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Maraykanka (USAID). Mark Green iyagoo si wadajir ah ugu dhawaaqay dib u hawl-gelinta Xarunta USAID ee Somalia oo la xiray sannadkii 1991-kii.

Khayre iyo Mark Green ayaa ka wadahadlay dadaallada ay DF ugu jirto dib u soo kabashada dhaqaalaha, deyn cafinta iyo dib u habaynta hannaanka guud ee maaliyadda dalka si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale oo waara.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay mudnaanta kowaad siinayso sidii ummadda Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa isku filnaansho iyo dib u soo kabasho dhaqaale, isla markaasna ay soo dhawaynayso wada shaqaynta Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka.

Dhanka kale, Mark Green ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay hawlaha ay hay’adda USAID ka waddo Somalia iyo qorshayaasha lagu dardar-gelinayo mashaariicda lagu taageerayo danyarta Soomaaliyeed si ay uga baxaan saboolnimada iyo shaqo la’aanta, una gaaraan isku filshaansho dhanka dhaqaalaha ah.

Mark Green in furitaanka xafiiska USAID ay timid kadib markii ay dowladda Mareykanku ay xaqiijisay in hoggaanka dalka ay ka go’ntahay horumarinta iyo ka guul gaaridda hadafyada waawayn iyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna dhanka kale ku dhawaaqay in USAID ay dowladda Soomaaliya ku caawinayso $185 Milyan oo wax looga qabanayo arrimaha bini’aadnimada dalka.

Ugu dambeyn, Green ayaa sidoo kale xusay inay bilaabayaan barnaamijyo lagu caawinayo dadkii ay saameeyeen fataahadihii dalka ka dhacay, isaga oo ballan qaaday in hay’addiisu ay sii dardar-gelinayso barnaamijyada horumarinta iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia iyo Madaxa Hay’adda USAID oo ku kulmay Xamar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this