Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dib u eegis ku sameeneysa heshiiska shirkadda DP World

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa haatan dib u eegis ku sameynaya heshiiska Dekedda Boosaaso oo ay xukuumaddii Madaxweyne Gaas bishii April 2017-kii ay la saxiixatay Shirkadda DP World ee Imaaraadkaa Carabta.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ajendayaasha horyaalla baarlamanka ayaa lagu daray dib u eegista heshiiskaasi.

Xubno ka mid ah golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland ayaa soo jeediyay go’aankan, si mar kale looga dodo danaha shirkadda DP World.

Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in inta badan Xildhibaanadu ay soo jeediyeen talo ah in gabi ahaan la laalo hehiiskaasi.

Heshiiskan oo uu qalinka ku duugay Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa soconaya muddo 30 Sano ah.

DP World ayaa horay u sheegtay in ay ballaarin doonto dhismaha Dekedda Boosaaso, kuna dari doonto 450 mitir oo ballac ah, taas oo ay tilmaamtay in ay ku bixi doonto lacag dhan 336 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa tan markii ay la wareegtay Dekedda weyn ee magaalada Boosaaso waxa ay isku dhaceen ganacsatada badeecaha kala soo daga halkaas, sababo la xariira is-beddal lagu sameeyay canshuurta laga qaado dekeddaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this