Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore Ee Dalka Masar Oo Geeriyooday Isaga Oo Taagan Maxkamad Ku Taalla Magaalada Qaahira.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Warar degdeg ah oo hadda naga soo gaadhay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee waddankaasi Maxamed Mursi uu ku dhintay maxkamad ku taalla magaalada Qaahira.

E6EB832E-D625-462E-828A-5E5DCEB3DFED_w10

Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in Maxamed Mursi xilliga uu dhintay uu ku sugnaa Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira.

Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururkii Akhwaanul Muslimiinka ayaa madaxweyne loo doortay sannakdii 2012-ka, hase yeeshee sannad kadib ayaa waxaa xukunka kala wareegay millatariga oo uu hoggaaminayey madaxweynaha xilligan Cabdulfataax Al-Siisi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this