Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Al-Shabaab iyo DF iska kaashadeen xarigii Mukhtaar Roobow?

Recommended Posts

Deeq A.   

Narobi (Caasimadda Online) – Xisbiga Amni iyo Cadaalad ee Maamul Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya  ku qabtay shir saxaafadeed ay kaga hadlayeen dad lagu laayey Magaalada Gaalkacyo oo kasoo jeeday Deegaanada uu  Xisbigaan ka dhisan yahay.

Shirka Jaraa’id ayuu xisbiga tacsi kadib farriin ugu diray Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug, waxaana lasoo saaray qodobada soo socdo:

1) Xsibiga wuxuu tacsi u diray dadkii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee lagu kala laayey Gaalkacyo iyo Dhuusmareeb

2)  Xisbiga wuxuu Maamulka Galmudug ka codsaday in Cadaaladda la hor keeno dadkii dilkaas ka dambeeyey oo uu xisbiga ku sheegay inay yihiin dad la yaqaan.

3) Maamulka Galmudug ayuu xisbiga u sheegay inuu isaga mas’uul ka yahay dadka kasoo jeedo Koonfur Galbeed ee halkaas ku sugan haddii aysan amnigooda damaanad qaadi karin wuxuu xisbiga ugu baaqay inay dadkaas kusoo celiyaan deegaanadooda.

4) Xisbiga ayaa Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ugu baaqay inay magangalyo siiyaan dadka kasoo jeedo Koonfur Galbeed ee la xasuuqayo si loo badbaadiyo.

5) Xisbiga ayaa Shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay inay isugu imaadaan kulan ballaaran oo looga tashan doono aayaha dadka Koonfur Galbeed kasoo jeedo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa sheegay in dadka Koonfur Galbeed si gaar ah loo ugaarsanayo taasina ay caddeyn u tahay inay Dowladda Soomaaliya Guddi heer wasiir ah u saartay hal qof oo lagu dilay Beled-weyne halka uu sheegay inaan lasoo hadal qaadin dadkii lagu laayey Baydhabo.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu u xiran yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab uuna jiro xiriir u dhaxeeyo Villa Somalia iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay iska kaashadeen qorshihii dhawaan la doonayey in lagu dilo madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Guddoomiyaha iyo Shirkii Jaraa’id


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this