Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Halyeey calankooda u gaashaaman

Recommended Posts

Xiisad ka dhalatay calanka Soomaaliya oo ka taagan qeybo ka mid ah Somaliland

Ciidamada maamulka Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay dad shacab ah ku rasaaseeyay deegaanka Damalle-Xagarre oo hoostaga degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Shaqaaqadan ayaa ka dhalatay, kadib markii dadka deegaanka Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka taageen halkaasi.

Saraakiisha Somaliland ayaa la sheegay in shacabka ay ku amreen in ay dajiyaan Calanka Soomaaliya, balse taas ay ka biyo diideen dadweynuhu, kadibna ay keentay in Ciidamadu ay adeegsadaan rasaas nool nool.

Rasaasta ay fureen Ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo rayid ah, kuwaas oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Damalle-Xagarre ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisad ka dhalatay arrintaasi haatan ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaaliland oo ku aadan dhacdadan xiisada ka taagan halkaasi.

Deegaanada Somaliland ayaan laga ogoleyn Calanka Soomaaliya oo loo arko in ay tahay dambi Qaran, waxaana aheyd dhawaan markii Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) lagu xiray magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku soo labistay dhar laga tolay Calanka Soomaaliya.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.