Dalmar1

Xaaf oo shaaciyey in la qabtay dadkii xasuuqa ka gaystay Gaalkacyo

Recommended Posts

Dalmar1   

xaaf-1-324x235.jpg

wa-saxaafadeed.jpg

 

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay dilkii loogu geystey Magaalada Gaalkacyo 13 ruux oo kasoo jeeday degaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystey illaa 13 ruux  oo xoogsato la qabtay caddaaladana la horgeyn doono.

“Dadka ka dambeeyay dilka waxa ay ahaayeen dad weyraxsan kadib markii maqribnimadii la diley sarkaal.”ayuu u sheegay Xaaf laanta afka soomaaliga ah ee BBCda.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Shacabka ee Koonfur Galbeed in ay isdejiyaan, islamarkaana dadkaasi dhibaatadda geystay Sharciga la marsiin doono.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka codsaday Maamulka Galmudug inay wax ka qabtaan dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada Galmudug.

Illaa 13 ruux oo ka soo kala jeeda deegaanad Koofurgalbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu diley xalay magaalada Gaalkacyo iyagoo dadkaasi la sheegay inay ahaayeen dad xoogsato ah oo laga soo saaray guryo ay ka degenaayeen magaalada Gaalkacyo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Weyraxsan" kulahaa.

"Xoogsato" haddana ee qorayaan. Dadkii ganacsanaaye ayaaba xoogsato noqday. Kuwii shaxaadka ku noolka meesha buuxo maxee yihiin taloow? Afmiinshaaro?

Xaaf asagaa ka masuul ah xasuuqa dhacay. Inta kuwa labada xasuuq geystay tiirka dil toogashada laga geynaayo asagaa masuulnimadeeda leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

(Wayrax) hadaad maqasho, waxaa wayraxa lo'da, ma lo' buu masuul ka yahay mise dad?

Waxaan dhagaystay waraysi uu idaacad siiyay uu ku sheegay inay dad badan soo xireen ilaa 20'tan ka gaaraya, hadana wuxuu gadaal ka raaciyay inkastoo aysan ahayn kuwii wax laayay, su'aashu waxay tahay maxay usoo xirxireen hadaysan waxba gaysan?!!

Waa nin wareersan nairobi buu tubaakadiisii kusoo iloobay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.