Sign in to follow this  
Deeq A.

In doorashooyinka Somaliland Ku dhacaan Waa Santa….

Recommended Posts

Deeq A.   

IN DOORASHOYINKU SOMALILAND KA DHACAAN KUNA QABSOOMAAN XILI U GO’AN WAA DANTA SOMALILAND , HORUMARKEEDA IYO KALADAMBAYNTEEDU KU WAARI KARO !!

Dawladnimadu waa dan mideysa dal Iyo dad meelwada dagan iyo wax ay umadi wada leedahay , lagumana dhiso xoog, xadhig Iyo xiniinyo taabad ee waxa ay ka soo unkantaa wax umadaasi isla garatay oo heshiis lagu yahay oo cidwalba u dan ah oo la isla yaqaano .

Sidaasoo ay tahay ayaa waxa dhacda in aad moodo in aan la fahamsanaynba dalkeena marka aad eegto hab-dhaqanka dawlada Iyo dadka laftoodu sida ay u fikirayaan , siiba ay dawladu had iyo goor bulshada u jaahwareeriso iyada oo ilaashanaysa danaheega gaarka ah .

Hadiiba aan ku horeeyo dawlada Iyo gacmaheega oo ah inta ay umadu hogaanka ka dhigatay iyo ciidamadeedu waxa ay u baahan yihiin in ay la jaanqaadaan dawladnimada hufan ee qarnigan in koobani aduunka kaga dhaqanto oo ah mid aan xoog Iyo gacan bir ah , qori caaradii iyo cagajugleyn lagu maamulin ee uu sharcigu kala hago dadka iyo dawladooda.

Marka aynu ka hadlayno sharci waa waxii umadu dhigatay ee heshiiska lagu ahaa oo cidwalba dhinaceega waxii ku waajib ahaa ay ka soo baxdo iyada oo loo raacayo sida waxa dadku wada dhigteen dhigayo ee aan loo eegayn kanaa awood badan, kanaa lacag haysta iyo kanaa miskiin ah midna oo aan laga dhigan la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan.

Marka aynu intaa isla fahamno ayaa waxa aad garan kartaa in sharciga loo siman yahay isla markaana waxa aad suureyn kartaa oo aad raadsan kartaa waxii aad xaqa u lahayd Iyo waxa xaqa laguugu leeyahay oo aad adna is xisaabin kartaa lana xisaabtami kartaa cidkasta oo wax kaaga maqan yihiin ama wax idinka dhaxeeyaan.

Maanta waxa in la isla fahmo ay tahay, in dadka Iyo cida ka wakiilka ahi dawladooda ka raadiyaan oo kula xisaabtamaan waxii ay xaqa u lahaayeen oo ah nolosha aasaasiga waxii dawlada u xilsaaran tahay sida; in amnigooda la sugo , caafimaadkooda la daryeelo, waxbarasho ay helaan, wadooyin ay helaan , biyo bilaash ah ay helaan , nal ay helaan, xuquuqaha Iyo xoriyaatka shuruucdu u damaanad qaaday ay helaan hadii ay haystaana aan laga qaadin ee loo ilaaliyo .

Somaliland waxa liidata oo marba marka ka dambaysa aad moodaa in ay meesha ka sii baxayso xuquuqdii doorashada ee muwaadinku xaqa u lahaa in uu wax doorto lana doorto , xuquuqda doorashadu waa mid ka mid ah xuquuqaha waweyn ee dastuurku muwaadiniinta u damaanad qaaday oo hadii dalka doorashooyin ka dhici waayaan noqonaysa ku xad-gudub xuquuqda muwaadiniinta Iyo dastuurkii iyo shuruucdii oo dhulka la iska dhigay.

Haddaba marka ay doorasho timaado yaa masuuliyadeeda leh in la qabto? In badan ayeynu aragnaa iyada oo la isku tour-tuurayo masuuliyada qabsoomida doorashada iyo cida gabtay in doorasho dalka ka qabsoonto, masuuliyada qabsoomida Iyo diyaarinta doorashada waxa iska leh xukuumada , waxaana farsamo ahaan shaqadeeda leh gudiga doorashooyinka Somaliland .

Cida umadu wax u dhiibatay ee in lagu dhaliilo oo lagu daba taagnaado ay tahay waxii ay ka gaabiyaan Iyo waxii qaldaanba waa xukuumada Iyo goleyaasha qaranka oo midwaliba ceebtiisa Iyo cambaartiisa leeyahay inta uu ku lahaa hawshaa in leeg in loo xambaariyo ay tahay.

Markaa xukuumada Iyo goleyaasha qarankuba heshiis bay ku yihiin in aan dalka doorasho ka dhicin in badan oo horena waxa u hir-gashay iyada oo aan duruuf kuraasida ku negaysaa dhicin in shacbiga loo heshiiyo oo goleba gole uun u mudo xileedka u kordhiyo, taasi oo caqabad ku ah geedisocodka dimuqaradiyada dalka, dastuurka Iyo shuruucda dalka Iyo nidaamkii doorashooyinkaba.

Waxa ayaan daro weyn ah in xukuumada Iyo Madaxweynihii umadani dooratay Iyo cidii la lahayd masuuliyadaa ay xalin kariwaayaan in dalka ay ka qabtaan doorashooyinka mudo dhaafay ee golaha guurtida, golaha wakiilada Iyo goleyaasha deegaanka kuna edeeyaan xisbi qaran oo kale oo lagu tilmaamo in isagu doorashada hortaagan yahay, isaga oo xisbigaasi dood sharciya ku leh waar garsoorka xubnihiisa hala miisaamo kuwan joogana kuma kalsoonin ee inaga badala si doorasho inoogu dhacdo .

Gunaanadka qoraalkayga in doorashooyinku dhacaan oo ku qabsoomaan xili u go’an oo la isla yaqaanaa waa danta Somaliland jiritaankeeda, horumarkeeda Iyo kaladambaynteedu ku waari karo, iyada oo aan ku talin lahaa waliba in la isku uruuriyo oo halmar lawada qabto shantii sanadoodba mar, si dalka Iyo dadkuba uga nastaan hawlaha Iyo muranada doorashooyinka, dawladuna wax ugu qaban karto dalka mudadaa shanta sano ah e marba la doorto oo aan doorashooyin ka soo dhex galin ilaa mudo xileedkeedu dhamaanayo.

Aragtideyda

Mohamed Abdi Jama

” @dhimbiil , @Muhamed Dhimbiil “

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this