Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo gudaha Kenya kasoo qabsatay askari Kenyan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaano hoostaga magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya waxay kusoo qabteen askari ka tirsan booliska Kenya.

Askartan oo ka mid ah qeybta loo yaqaan “Ilaalada Guryaha” ayaa laga afduubtay deegaanka Kontonka oo hoos-timaadda maamul goboleedka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka islamarkaana ay soo qafaasheen ciidamo ka tirsan booliska Kenya.

“Howlgal qorshaysan oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad magaalada Wajeer ayay ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka ayna soo qafaashaan ciidamo katirsan Booliska dowladda Saliibiyadda Kenya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Sidoo kale Al-Shababa waxa ay sheegeen inay soo qabsadeen Mooto ay askarta lahaayeen, hase yeeshee faah faahin dheeraad ah ma aysan bixin.

Todobaadkaan gudihiisa ayay aheyd markii Al-Shabaab ay meel u dhow deegaanka Amuuma oo hoos taga Gaarisa ay ku weerareen Kolonyo ay wateen ciidamada Kenya.

Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan la wareegidda Al-Shabaab ee deegaanka Kontonka iyo askarta lagasoo qafaashay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this