Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii madaxda dowlad goboleedyada ee Nairobi oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa gebi ahaanba fashilmay shir si wadajir ah madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ku dhex mari lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Weli si rasmiya looma sheegin arrimaha qarsoon ee keenay in shirku fashilmo balse madaxweynayaasha Puntland Galmudug iyo Jubaland oo sida la sheegayo aad u doonayay in shirka la qabto ayaa qorshahaasi u socon waayay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sida qorshuhu yahay maalinta Jimcaha dib ugu soo laaban doona caasimadda Puntland ee Garoowe.

Halka madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland oo sii joogaya Nairobi ay kulamo hoose la yeelan doonaan wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

PUNTLAND POST

The post Shirkii madaxda dowlad goboleedyada ee Nairobi oo fashilmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this