Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo afar gaari oo aysan xabadda karin siisay murashax u taagan Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa afar gaari oo ah nuuca aan xabadda karin ku wareejisay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar”, oo ka tirsan Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee sanadkaan 2019.

Wasiir Oomaar oo aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda Olalahiisa doorashada ka billaabi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia.

Koox madax ka noqon doonto ololaha Wasiir Oomaar oo Musharax ah ayaa hadda la dhameestiray kuwaas oo todobaadka soo socda lagu wado in ay u baxaan magaalada Kismaayo kadibna waxaa ku biiri doona Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Gaadiidkaan oo gaaraya ilaa 4 gaari oo aan xabadda karin “bullet proof” ayaa Wasiirka gacanta loo geliyay Khamiistii waxaana lagu wadaa 3 gaari loo qaado Kismaayo halka midna looga tagi doono si uu u isticmaalo inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

Kooxda ololihiisa wadda waxaa ku jira xubna sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo qaarkood katirsan Madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana ka soo jeeda Jubbaland gaar ahaan Kismaayo.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar waxaa lagu tilmaamaa in uu ugu horreeyo xubnaha aadka ugu rajo weyn in uu ku soo baxo doorashada Jubbaland haddii ay u dhacdo si caddaalad ah, inkastoo uu wajahayo loolan adag oo siyaasadeed.

Dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay wadato Oomaar ayaa la aaminsan yahay in ay u huri doonto maal iyo xoogba, si lamid ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this