Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa loo dilay IBRAAHIM CARIIF isaga oo kitaab ku dhex aqrisanaya Masjid?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Nabadoon Ibraahim Cariif oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Somaliyeed ayaa shalay galab lagu dhex dilay Masaajid ku yaala xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa Nabadoon Ibraahim Cariif ku dhex toogtay Masaajidka Sheekh Xasan Cadde, xilli uu akhrisanayay Qur’aanka Kariimka.

Waxa keliya ee lagu dilay Nabadoonka ayaa ahayd in uu ka qayb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee lagu soo doortay Magaalada Jowhar, qaybtooda Hirshabelle.

Dilkan ayaa argagax ku buuray bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dadka degan xaafadda Juungal, iyadoo uu dadku aad u hadalhayo.

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa kol hore ku hanjabay in ay beegsan doonaan Odayaasha Dhaqanka iyo cid kasta oo ka qayb qaadata soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Cali Dheere ayaa ku goodiyay inaanay wax naxariis ah u samayn doonin dadkaasi, isagoona amray maleeshiyada Shabaabka in ay kordhiyaan beegsigooda.

Magaalada Muqdisho ayaa halbowle u noqotay goobaha lagu bartilmaameydsado Ergada Xildhibaanada ku soo kala dooratay Magaalooyinka Garoowe, Cadaado, Jowhar, Baydhabo & Kismaayo, waxaase wax lala yaabo noqotay inaanay jirin dad loo maxkamadeeyo dilalkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this