Sign in to follow this  
Deeq A.

Tacab ba’ay waa maanso cusub oo loo tiriyay madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

TACAB BA’AY

Dadkii shalay ku doortee
Kuu dareeray hiirtee
Waligaa na daadihi
Jeegaan duqeediyo

Kuwaan diir naxaynee
Dulmigii ku naaxee
Sharaftiyo Dadnimadii
Daan qadhiidhka siistiyo

Reer doqon ma waayiyo
Daalin iyo la nooliyo
Jin dagaagay idilkood
Isku duubni kuu yidhi

Sawtan dabin qaniinkiyo
Luunku wada dishoodee
Dadkoo kala fogaadiyo
Dooni mayno badan tahay

Waxse daahir yaa shams
Cidna diir ka saarayn
Inaan Dawladnimadii
Daacad loo ahayn wali

Waxna daahi maynee
Rajadii dadweynaha
Dar Allee sinaantii
Dawlis baa usoo go’ay

Door hore wixii dhacay
Daarahii la boobiyo
Dantii guud xaraashkii
Maantana ka sii daran

Hayeeshee duruufaha
Dulucdiyo ujeedadu
Halkay dari ka leedagay
Isku diidi maynee

Iyagaa dab iyo olol
Ama duumo kaar badan
Fartoodii ku doontoo
Dardarsaday fundhaalada

Dib u fiirso waayaha
Dhacdadii doraad iyo
Waagii Dad qalatada
Dabadeed wixii dhacay

Aan kuu daliilshee
Inyar ii digtoonoow
Dhegahana i deeqsii
U dul qaado sheekada

Dar Allee Hasheenii
Loo daadshay dhiigee
Duurka loogu jirayee
Ehelkii u dabar go’ay

Markay dihatay Maandeeq
Caanahoo la daadshiyo
Loo diyaarshay Gaawaha
Waa wada darleefkaa

Sawtan daba karuubkiyo
Waxaan dunida lagu arag
Dambarkeedi nuugtee
Dalan doolay Ubadkii

Dumar iyo carruurtii
Nolol daydaygoodii
Daaduun la cararee
Dal shisheeye raadsaday

Debedaha wareegee
Duufaan kul badaniyo
Badahii ku daatee
Cunay bahal dugaagii

Idinkuna dadweynoo
Dambi maaha araguye
Danta aynu leenahay
Haka yeelin Daaquud

Daw waxaad u leedahay
Arrinkaan daliil wadan
Hadaad diido aragtida
Hada maati maad dilin

Balaan daayo heestoo
Duuduubo hadalkoo
Dabin dhawrka saaroo
Danta guud tilmaamee

Aynu wada ducaynoo
Dambi dhaafka barano
Daayinkeena barinee
Iska diida Xaaraan

Dil dilaac Dhulkeenana
Sida loo dawaynlaa
Isku duubni weeyee
Daayinoow na garansii

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this