Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkad caan ah oo lagu eedeyay inay si qarsoodi u dhageysato shaqaalaha

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) ― Warbixin ay dhawaan baahisay Warbaahinta Bloomberg ee dalka Mareykanka ayaa waxa lagu sheegay in shirkada Amazon ay mas’uuliyiintodu dhageystaan kumanaanka shaqaalaha ah ee ka howl-gala shirkada.

Bloomberg ayaa sheegtay in qalabka Echo ee ay shirkada Amazon shaqaalaheeda u dhiibto uu awood u leeyahay inuu duubo hadalada shaqaalaha sita marka ay xafiisyadooda iyo weliba guryahooda joogan.

Echo ayaa codadka uu duubo waxa dib u dhageysta qaar kamid ah Mas’uuliyiinta shirkada, halka markii hore uu qorshaha loo sameeyay nidaamkan uu ahaa in codadka ku jira uu kala shaandheyo Kombiyuutar, kaasi oo kala baxaya inta quseysa shaqada.

Mas’uul ka tirsan shirkada Amazon oo ka hadlayey warbixintan ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay jirto, balse ay u sameeyan si ay shaqaalahooda uga caawiyan fahamkan qalabkan.

Amazon ayaa wajaheysa eedeymo kala duwan oo ku aadan qalabkan, taasi oo ka leexatay hanaanka markii hore lagu heshiiyay ee ahaa in codadka ku jira uu kala shaandheyo Kombiyuutar, ayaa iyadu weli si adag iskaga difaaceysa eedeymahaasi, iyadoona ku andacooneysa inay sidaa u sameysay in ay sarre u qaado fahamka shaqaalaha ee ku aadan qalabkan.

Shirkada Amazon ayaa waxa kale oo ay sheegtay in ay xil dheeraad ah iska saaraan Mas’uuliyiinteedu ilaalinta xogta gaarka ah ee shaqaalaha ay dhegeystaan iyo in aan loo isticmaali doonin dano gaar ah.

Weli waxa loo arkayaa jawaabta Amazon ee ku aadan dhaliilaha loo jeediyay inay aheyn kuwo wax ka badalaya, maadaama oo aanay markii hore sidaas qofka ugu cadeynin, kuna wargelin in codadka uu dhageysanayo qof bini’aadam ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this