Deeq A.

Puntland oo xiriirkii wada-shaqeynta u jartay dowladda Federaalka Soomaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay, guud ahaan wada-shaqeyntii kala dhexasyay dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac.

Qoraal af-English ku qoran oo Puntland u dirtay Beesha caalamka iyo dalalka daneeya Soomaaliya, ayay ku sheegtay in ay joojisay dhamman arrimihii ay ka wada-shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya sida; dib u-eegista Dastuurka, qorshaha amniga Qaranka iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqoonsan doonin, dhammaan shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya sida; Sharciga doorashooyinka , sharciga shidaalka iyo xeerka canshuuraha dalka oo ay sheegtay in aan lagala tashan.

Qoraalka ay Puntland soo saartay oo dheer ayaa looga sheekeeyay shirkii fashilmay ee Garoowe, waxaana Puntand ugu baaqday dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka in shirar kale lagu kulmo, si heshiis looga gaaro qodobada salka u ah khilaafka labada dhinac.

Dhinaca kale xukuumadda Puntland, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorrisay in ay Dastuurka ku dhaqanto oo ilaaliso heshiisyadii ay hore ula gashay dowlad goboleedyada ee dhigayay in laga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, islamarkaana ay joojiso shuruucda iyo xeerarka aan laga wada-tashan ee ay Baarlamanka horgeynayso.

Dowlad goboleedyada  ayey sidoo kale u soojeedisay,  in ay adkeeyan iskaashiga, wada-shaqeynta iyo xoojinta xiriirka dhexdooda ah, iyadoo ku boorrisay in si joogto ah loo qabto shirarka ku saabsan iskaashiga iyo wax wada-qabsiga dowlad goboleedyada dalka.

Hadalka Puntland ayaa u muuqday mid inta badan dhaliilalaya hannaanka ay dalka u hoggaaminayso xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Puntland ku eedaysay tanaasul la’aan iyo maroorsi awoodeed.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo xiriirkii wada-shaqeynta u jartay dowladda Federaalka Soomaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Xiriirkaan u jarnay haduu faraha ka bato macnahaa ka lumaya, intee jeer bay xiriir jareen?

Waligood fedaraalka xiriir ma la yeesheen?

Senotoorada iyo xildhibaanada hoose maxay ulasoo noqon waayeen si erayga xiriirba loo waayo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

I think Deni seems a decent guy with genuine intentions to help the country. Farmaajo and his friends are the troublemakers this time. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.