Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorka Sacuudiga oo casumaad rasmiya u diray Amiirka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa casumaad rasmi ah ka helay boqorka SacuudiCarabiya Salman bin Abdulaziz oo ku marti-qaaday shir deg deg ah oo ay  maalinta Khamiista ah ee ku beegan 30-ka bishan May magaalada Mecca ku yeelan doonaan golaha iskaashiga Khaliijka Carabta.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahn, wasiirka arrimaha dibadda dowladda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa casumaadda uu boqorku soo diray maalintii shalay ka guddoomay, xoghayaha guud ee golaha iskaashiga Khaliijka Abdullatif bin Rashid Al Zayani oo marti-qaadkaasi ka siday boqor Salman.

Horraantii bishan ayaa boqorka Sacuudigu ku baaqay in magaalada barakaysan ee Mecca lagu qabto laba shir-madaxeed oo deg deg ah kuwaasi oo looga arrinsayo halista gobolku wajahayo kadib markii khilaaf xooggan ka dhex qarxay Maraykanka oo isbaheysi  la’ah dalalka Khaliijka iyo dhanka kale Iran oo xifaaltan adag kala dhexeeyo Sacuudiga.

Shirka boqor Salmaan ku baaqay ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli malayshiyaadka Xuutiyiinta ee Iran taageerto ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah boqortooyada Sacuudiga iyo xulafadeeda Imaraatiga oo Xuutiyiinta kula dagaallama gudaha dalka Yemen.

Dhinaca kale xiriirka Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka oo boqortooyada Sacuudigu hoggaamiso ayaa aad u sii xumaanayey tan iyo bishii June ee sannadkii 2017 xilligaasi oo Sacuudiga iyo qaar kamid ah waddamada Khaliijku ay go’doomiyeen dalka Qatar kadib markii ay ku eedeeyeen in ay argagixisada taageerto.

PUNTLAND POST

The post Boqorka Sacuudiga oo casumaad rasmiya u diray Amiirka Qatar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this