Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dafirtay in uu mar kale suuqa galay imtixaanka Shahaadiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa dafiray in uu mar kale suuqa galay imtixaanka shahaadiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysan loo fariisan doono maalinta berriya .

Mudane Jaabiri oo caawo wareysi gaar ah siinayay teleshinka dowladda ee SNTV ayaa dafiray in suuqa laga helay imtixaanka ku celiska ah ee maalinta berriya laga qaadi doono ardayda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kadib markii uu fashilmay imtixaankii hore ee dowladda.

Wasiirka ayaa sidoo kale u digay dad uu sheegay in ay dib u faafinayan imtixaankii hore u fashilmay ee dowladda Federaalka Soomaaliya balse ma soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaysa in nuqullada hadda la helay ay yihiin imtixaankii hore.

Hadalka wasiiru-dowlaha  ayaa ku soo beegmay xilli fiidnimadii caawo ay warbaahintu heshay nuqullo imtixaan oo ka duwan kii hore baraha bulshada loo soo geliyay islamarkaana la sheegay in gudaha magaalada Gaalkacyo lagu kala iibsanayo maddooyin kamid ah imtixaanka berri.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dafirtay in uu mar kale suuqa galay imtixaanka Shahaadiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this