Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo” Soomaaliya laguma soo dhaco hadii ay jiri jireen madax aad ka shaki qabtaan Annaga shaki hanaga qabina”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa kulan la qaatay jaaliyada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika.

Farmaajo oo kulankaasi qudbad ka jeediyay aayaaka hadlay arimo kala duwan oo dalka Soonaaliya ah.

Madaxweynaha ayaa ugu horeeyn jaaliyada ugu warbixiyay xaalada wadanka iyo wax qabadka Dowlada.

Sidoo kale waxa uu balan qaaday in dowlada South Afrika uu kala hadlaayo dhibaatooyinka loo geeysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha uu u muuqday in uu u jawaabiyo dowlada Kenya ayaa sheegay in dalka Soomaaliyeed uu yahay dal awood badan.

” Soomaali laguma soo dhaco, hadii ay jiri jireen madax aad ka shaki qabtaan Annaga shaki hanaga qabina” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhibaatooyin badan ayaa dadka Soomaaliyeed loogu geeystaa dalka Koonfur Afrika kuwaasi oo isugu jiro dil iyo boob hantiyadees.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Farmaajo” Soomaaliya laguma soo dhaco hadii ay jiri jireen madax aad ka shaki qabtaan Annaga shaki hanaga qabina” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this