Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad kala socotaa ‘xiriirka qarsoodiga ee u dhaxeeya Biixi, Sanbaloolshe iyo CC?’

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hadlay wafdi ka socdey xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo shalay magaalada Hargeysa dib ugu soo laabtey, kadib kulamo ay la soo yeeshen safiirada dalalka taageera Somaliland.

Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Waddani, Cismaan Afgaab oo maanta warbaahinta kula hadlayey xarunta xisbiga Waddan ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aan wax heshiis ah weli laga gaarin khilaafkii xisbiyada ee doorashooyinka.

Guddoomiye Afgaab ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay kulan uu Wafdigaasi la yeeshay siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur, isagoona sheegay inaysan aheyn markii u horeysay ee Mas’uuliyiinta xukuumada Biixi ay la kulmaan siyaasigan.

Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Waddani, ayaa waxa kale oo markii u horeysay shaaciyay in magaalada Hargeysa uu yimaado isla markaana ay xukuumada Biixi ay ku soo dhaweyso Taliyihii hore ee sirdoonka Somaliya Cabdilaahi Sanbalooshe, wuxuuna yiri

“In badan waxad arkeysan qolo xukuumada ah oo shalay kasoo noqota, Nairobi ka hadleysay, marar badana ay ka hadashay xukuumadu arrimaha doorashooyinka, waxan doonayaa in bulshada Somaliland u cadeynayo arrinta doorashooyinka ee mudada badan muranka ka jiro ama hadalku ka taaganyahay, xisbiga Waddani marnaba kama ay soo bixin in waqtiga doorashadu u mudeysantahay uu wax dooda ka keenay, Sanadkan damayaaqadiisana uu diyaar u yahay doorashada dhaceysa inuu ka qeyb-galo”.

“Arrinta muranka iyo doodu ay ka taagantahy muddo 14-bilood ah, doodu ay ka jirtona maaha xiliga ay dorashadu dhaceyso, sida ogtihiin mudo 14-bilood waxay doodi ka taagantahay ama muran ka jira Komishanka maanta jiraa baneeyo, Komishan cusub oo loo simanyahayna inuu yimaado, arrinta aan xukuumada isku hayno mudadaas waa labada qodob”.

“Xukuumadu waxay na leedahay xeerkii doorashada anaga sameysaneyna, Komishankii doorashadana anagaa wadana, shaqaalihii komishanka iyo howshiina naga diyaarsaneyna, wax alaala iyo waxkasta oo doorashada ku saabsan anagaa dhmaeystiraneyna, doorashada sidaa kusoo gala ayey leeyihiin, hadaad diidana xoog banu ku qabaneyna, waxan leenahay arrintaasi mid meesha taala maaha, mid Somaliland ka suurta-galeysana maaha”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Ina C/shakuur maaha markii u horeysay ee xukuumada la kulanto markani markii labaad bey noqoneysa ama markii saddexaad inta la hubo, kal hore waxa la kulmay C/laahi Abokor oo Makka kula kulmay isaga iyo Mas’uuliyiin kale, haddana Wasiirka Arrimaha Gudaha la kulmey”.

“Waxa kale oo jirta ragg kale oo Mas’uuliyiina oo kamid yahay ninkii sirdoonka Soomaaliya haysan jirey Sanbalooshe, inuu markasta Hargeysa imaado oo Huteelada Hargeysa mid kamida xukuumadu dajiso, Waddani oo marnaba cid kala kulmin oo iyagu waxay gacanta kula jiraan ay cid kale ku eedeynayaan”.

Guddoomiye Cismaan Afgaab, ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Somaliland aysan kamid aheyn Maamuul goboleedyada Somaliya, balse ay xukuumada Kulmiye ay haatan ka dhigeyso mid kamida Maamul goboleedyadaas, isagoona ku sababeeyay kulamadii ay Naiorbi ku yeeshen iyo talaabooyinkii ay qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this