Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad goboleedyada oo ka hortimid habraac ay soo saartay xukuumadda Federaalka Soomaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka horyimid habraac ay xalay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaasi oo lagu sheegay in  lagu maamulayo doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowlaha hoose ee Jubaland ayaa lagu sheegay in Jubaland u madax-bannaantahay habraaca doorashadeeda ayna mas’uul ka yihiin guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubaland.

Sidoo kale dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay habraaca ay soo saartay xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka Galmudug ay ku kala qeybsantay oo garabna taageeray garabka kalena ka horyimid

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Dowlad goboleedyada oo ka hortimid habraac ay soo saartay xukuumadda Federaalka Soomaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this