Sign in to follow this  
Deeq A.

Yariisow oo shaqo joojin ku sameeyey ku-xigeenkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomiye ku xigeenka gobolka ee howlaha guud, Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Qoraal kasoo baxay Yariisow ayaa lagu sheegay in Aadan Sheekh Cali Fiidow uu ku kacay “amar diido iyo curyaamin shaqada qeybta howlaha guud iyo nadaafadda.”

Waxyaabaha sidoo kale lagu eedeeyey Aadan Sheekh Cali ayaa waxaa ka mid ah shaqo joojin uu ku sameeyey agaasimaha waaxda qorsheynta iyo injineerada ee gobolka, isaga oo aan kala tashan Yariisow.

Yariisow ayaa sidoo kale ku eedeeyey ku-xigeenkiisa inuu joojiyey mashruuc lagu dhisayey garoonka Qoob-Dooro ee degmada Kaaraan, isaga oo aan kala tashan.

Shaqo joojinta lagu sameeyey Aadan Sheekh Cali Fiidow oo isla maanta dhaqan gashay ayaa socon doonta ilaa amar dambe.

Hoos ka arag warqadda

WhatsApp-Image-2019-05-26-at-10.01.09-AM

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this