Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan BF oo Kismaayo uga dhawaaqay go’aano ka dhan ah DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo doorto degaanada maamulka Jubbaland ayaa Kismaayo kaga dhawaaqay in ay ka hortagayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay dooneyso in ay u gasho maamulka Jubbaland sidii doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Senetarada kala ah Iftin Xasan Baasto, Axmed Xaashi iyo Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah musharaxiinta ay been ka sheegeen amniga maamulka Jubbaland.

Waxaa ay sheegeen in haddii dowladda dhexe ay isku daydo in ay faragaliso doorashadda Jubbaland in ay ka hortagi doonaan, islamarkaana maamulka Jubbaland ay ka dhici doonto doorasho Xalaal ah.

Senetorada kala ah Fartaag iyo Iftin Xasan Baasto ayaa sheegay in ay la socdaan qorshe ay waddo dowladda dhexe oo xiisad Amni daro looga abuuraayo degaanada maamulka Jubbaland, islamarkaana ay qaadi doonaan doorkood si looga hortaggo Arintaasi, maadaama ay la socdaan dhibaataddii dowladda Soomaaliya ay ka geysatay Magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this