Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ka hadashay safarka la sheegay in Uhuru ku tagayo Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Muuse Biix ayaa markii u horeysay ka hadashay in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu booqasho ku imanayo caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland Yaasiin Faratoon, ayaa sheegay aan weli si rasmi ah loo qorsheyn socdaal uu Uhuru Kenyatta ku imanayo Somaliland, balse ay rajaynayaan mar un.

Wasiir Faratoon ayaa sheegay inay Somaliland ku rajo weyntahay inuu mar uun yimaado Uhuru Kenyatta, balse hadda aysan jirin wax socdaal ah oo la qorsheeyey.

“Horta inaga iyo Kenya, xiriir fiican baa hadda inoo dhexeeya, waliba xiriirka inoo dhexeeya muddooyinkii ugu dambeeyey wuxuu ahaa mid sii kordhaya, oo xiriirkii hore ee inoo dhexeeyey ka sii fiicnanaya, waxaana ku rajo weyn nahay in xiriir dhinacyo badan leh aynu yeelano, oo aynu iska kaashano waxyaabo badan”

Wuxuuna intaas ku daray “Madaxweynaha Kenya dalkeena wuu iman kara oo socdaal uu ku iman karaa, sida uu Madaxweynaheenu uu socdaal ugu tagi karo Kenya iyo Wadamada kaleba, waana ku rajo weynahay in maruun dalkeena uu yimaado Madaxweynaha Kenya iyo Madaxda kale ee Caalamkuba, laakiin socdaal rasmiya oo hadda la qorsheeyey ma jiro”

Maalmihii udambeeyay waxa baraha bulshada aad looga hadal hayey qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay Rashiid Cabdi oo ah khabiir degen Kenya oo falan-qeeya siyaasadda gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Rashiid ayaa qoraalkiisaa ku sheegay in Madaxweyne Biixi uu booqan doono Kenya, halka uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta isna iman doono Somaliland sanadkan gudihiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this