Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ku dhaqaaqday fulinta go’aanka ay uga jawaabeyso diidmada Kenya ee Visa-ha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday inay fuliso qorshe ay uga jawaabeyso diidmada Kenya ee inay mas’uuliyiinta Soomaaliya Visaha ka siiso garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu wargelisay Hey’addaha UN-ka, kuwa Deeq bixiyeyaasha iyo Iskaashiga Caalamiga in wasaaradda aysan Nairobi uga qeyb gali doonin shirarka, siminaarada iyo Tababarada hay’adahaas.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday hay’adahaas in shirarkaas iyo Siminaarada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo bedelo dal kale, oo tagistiisa ay u fududahay wasaaradda.

Go’aanka wasaaradda caafimaadka ayaa ka dambeeyey kadib markii shirkii Golaha Wasiirada ee khamiistii lagu go’aamiyey in Wasaaradaha Xukuumadda inay ku wargeliyaan Hay’adaha ay bahwadaagta iyo wada shaqeynta leeyihiin in shirarkii lagu qaban jiray Nairobi laga raro, isla markaana loo wareejiyo magaalooyinka sida Kigali, Kampala iyo Addis Ababa.

Kenya ayaa dhowaan Visa u diiday islamarkaana garoonka Nairobi ku xanibtay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno.

20190525_213721.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this