Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald TRUMP oo dejiyey xeelad kale oo uu lacag uga qaato Sacuudi Carabiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Senater ka tirsan Aqalka sare ee Mareykanka ayaa Madaxwyenaha dalkaas uga digay inuu Khilaafka Iiraan iyo Mareykanka kaga faa’ideysto inuu hub dheeri ah ka iibiyo Dowladda Sacuudiga si uu lacag uga helo.

Chris Murphy oo ka tirsan Santeerada Mareykanka, kana mid ah Xisbiga Dimoqraadiga oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka ayaa Madaxweynaha Mareykanka Trump ku eedeeyey inuu wado qorshe uu Sacuudiga kaga iibinayo hub si uu  marmarsiiyo uga dhigto Khilaafka Mareykanka kala dhaxeeyo Iiraan isagoo aan wax go’aanka ah ka heysan Kongareyska Mareykanka.

” Waxaan Maqlayaa in Trump uu doonayo inuu Sacuudiga ka iibiyo Gantaalo culculus oo ay ku garaacaan dalka Yeman, isagoo marmarsiiyo ka dhiganayo inay qeyb ka tahay dagaalka uu Mareykanka kula jirto Iiraan, waxaana Asbuucaan rajeenayaa in arrintaas ay go’aan kasoo saaraan Kongareeska Mareykanka” ayuu yiri Chris Murphy oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka.

” Sharciga xadeynta Hubka ayaa awood u siinayo Congress-ka inuu diido in hub laga iibiyo wadan Ajnabi ah, balse Trump wuxuu marmarsiiyo ka dhiganayaa inay jirto xaalad deg deg ah , taasna ay ka dhigan tahay inuusan Congress-ka diidi karin tallaabada uu Trump hub kaga iibinayo Dowladda Sacuudiga, isagoo hadalkiisa sii raaciyey (Kaligey ayaa go’aan ka gaari doono)” ayuu sii raaciyey Chris Murphy.

Sharciga qiimeynta hubka Mareykanka ayaa Congress-ka u ogolaanayo inuu go’aan kaga qaato in hub loo dhoofiyo wadan kale inkastoo mid kamid ah Sharci yaqaanada Madaxweyne Trump uu ku doodayo inay arrintaan tahay mid deg deg ah isla markaasna aan loo baahneyn in la marsiiyo Congress-ka.

Tallaabadaan uu Trump ku doonayo inuu hub kaga iibiyo Sacuudiga ayaa qeyb ka ah qorshooyinka uu Trump lacag badan kaga qaadanayo Dowladda Sacuudiga.

Trump ayaa rabo inuu Sacuudiga ka iibiyo Gantaalada xawaaraha sarreeye leh si ay isaga celiyaan Xuutiyiinta Yeman oo maalmihii dambe duqeyn ka bilowday gudaha Dalka Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga iyo xulafadeeda ayaa si weyn uga soo horjeedo Dowladda Iiraan oo ay u arkaan inay tahay midda maalgelineyso Xuutiyiinta Yeman waana meesha uu Trump marmarsiiyo uga dhiganayo in Sacuudiga uu garab ku siinayo dagaalka uu kula jiro Dowladda Iiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this