Sign in to follow this  
Deeq A.

Macawiisleey oo weerar gaadmo ah ku qaaday Al-Shabaab – Hogaamiye sare iyo maleeshiyo la laayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya dagaalamayaasha Al-Shabaab koox Maleeshiyo Macawiisleey ah ayaa ka dhacay duleedka degaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Dagaalka ayaa ka dhacay Tuulada Abooreey oo ku dhaw degmada Buul-barde ee Goblka Hiiraan, waxaana la wareeray goob ay Al-Shabaab macaawino ku bixinayeen.

Odayaasha degaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Maleeshiyo Macawiisleey ah ay weerar ku bilaawday miinooyin dhulka la geliyay iyo Bam-gacmeedyo ay ku qaadeen Al-Shabaab oo raashin ka qaybinyay Tuulada, waxaana halkaasi looga dilay Ciidamo badan iyo Sarkaalkii hogaaminyay.

Al-Shabaab ayaa mar qura maqlay dhawaaqa qaraxyo u badan Bam-gacmeedyo iyo miinooyin dhulka lagu diyaariyay iyo rasaas xoog leh kadibna waxay ka carareyn degaankii iyo raashinkii ay bixinayeen sida ay ku soo waramayaan dadka degaanka.

Dadka Al-Shabaab dagaalka ugu dhintay waxaa kamid ah Sheekh Cali Garweyne oo ahaa madaxii Al-Shabaab ee inta u dhaxeysa Beladweyne iyo Buula-barde. Hore waxa uu ahaa madaxdii Howlgalada Al-Shabaab ee degmada Buula-brde sida ay xaqiijiyeen dadka yaqaana Sarkaalka la dilay.

Maleeshiyada weerarka fulisay ayaa la sheegay in dagaalka uu uga dhaawacmay hal Askari oo kaliya waxayna soo furteen raashinkii ay bixinayeen Al-Shabaab.

Maleeshiyadaan waxaa taageera Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan kuwaas oo siiya hub iyo saanad kale waxayna dhowr jeer dagaal la galeen Al-Shabaab, Al-Shabaab waxay ku guuleesteen in ay qaateen Sarkaalkii dagalka looga dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this