Sign in to follow this  
Deeq A.

“Ciridkaan Arkaayo Ilko Kama Soo Jeedaan”. Jamaal Cali Xuseen Oo Naqdiyay Kulankii Waftiga Xukuumadda Iyo Siyaasiyiinta Muqdisho Ee Nairobi.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington) Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa siwayn u naqdiyay kulan qarsoodi aha oo Waftigii Xukuumadda Iyo Faysal Cali Waraabe Nairobi kula Shireen siyaasiyiin Rer Muqdisho ah. Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yidhi sidan :

7948BDFA-7680-44BC-BC30-BDE4BACFA2C8.jpe

“Ciridkaan arkaayo ilko kama soo muuqdaan. Wiilka yar ee Xamar u shaqo tagana waa la xidhaa, siyaasiyiinta kolka lagu qabto shir ay madaxda Soomaaliya la galaana waxa la yidhaa waa Hawl bay wadeen. Waar bal shacabkan la duleeyey ee wax walba loogu sheekaynayo ee aan waxba layskaga tirineynin eega. Sharcigii Baarlamaanku ansixiyey sowtii ku taalay “waa ka mamnuuc siyaasiyiinta Somaliland iyo kuwa Soomaaliya in ay hoos u wada shiraan kolka laga reebo wadahadaladda ay labadda dawladood wada galayaan mooyaane”. Horta Wasiirkii arrimaha dibaddu xagee buu qabtay Oo aanu isagu waftigan Kiiniya tegay u hogaamineynin? Arrinkani waa fadeexad hor leh Oo kalsoonidii shacabka hoos u dhigaysa. Waxeeniiba wax aan sidaa u sii ridneynin ayeey noqotay; hadduu inuun u sharci jiro waa fadeexad qaran arrinkani, dadkana sharaxaad iyo jawaabo waafiya, raaligelin, iyo talaabooyin hor leh ayeey ka sugayeen.

Buunbuunintuu waday wataa, loo bud-dhigi waayey Xaqii ay bireeyeen wakaa, boqonka jiidaaya
Bicil qodax leh waa kuwaa ku jaray, bohoradeeniiye

Dal leh siyaasad yaroo caadifadaysan iyo hebel waa Libaax waa mid subaanaleh. Sharcigani Ma la jiifiyaana banaan baa? Yaab?”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this