Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo markii ugu horeysay shaacisay sabab Galmudug ay dhaqaalaha uga jartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday sababta ay dhaqaalaha uga jartay maamulka Galmudug oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayri Maareeye oo BBC la hadlay ayaa sheegay in sababta ay dowladda u joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay Galmudug ay tahay khilaafka xooggan ee ka dhex-oogan madaxda maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamanka Galmudug ayaa kasoo horjeeda madaxweyne Xaaf, waxaana garab siiya madaxda dowladda federaalka, oo u adeegsada ina ku jabiyaan Xaaf.

“Dowladdu dhaqaalaha Galmudug iyo maamullada kaleba way siin jirtay walina way siisaa, laakiin maamulka Galmudug wuu kala qeybsan yahay oo guddoomiyihii baarlamaanka iyo xildhibaannadii nus kamid ah iyo madaxweyne ku xigeenkii ay meel fadhiyaan, madaxweynihii iyo madixii dowladduna ay meel fadhiyaan, kulligoodna waxay soo wacayaan dowladdii dhexe oo ay ku leeyihiin noosoo dira dhaqaalihii, marka looma diri karo, waxayna dowladdu ka shaqeyneysay inay heshiiyaan.” Ayuu yiri Maareeye oo sababeeyey sababta dhaqaalaha looga jaray Galmudug.

Xiisadda Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa meesha ugu xun gaartay markii uu fashilmay shirkii Garoowe oo arrinta Galmudug ay ka mid ahayd qodobada ugu weyn ee la isku qabtay.

Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in waqtiga Xaaf ku eg yahay sanadkan, oo ay tahay in doorasho la qabto, halka Xaaf uu sheegay in waqtigiisa ka billowdo heshiiskii Ahlu-Sunna iyo Galmudug ee 2018 ka dhacay Jabuuti, taasi oo macnaheedu yahay in saddex sano ay u hartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this