Sign in to follow this  
Deeq A.

Mustaqbalka siyaasadeed ITOOBIYA oo cabsi wayn laga qabo iyo caqabado kusoo baxay Abiy Ahmed

Recommended Posts

Deeq A.   

Isbeddelka siyaasadeed ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay inaan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn karo maadaamaa ay horyaalliin caqabado aad u badan.

Warkan oo aan ka soo xigannay FANA ayaa sheegaya in shirka guddiga fulinta lagu lafa guray qorshaha ammaanka dalka oo mudda hal sana ah dalkaasi laga hirgeliyey iyo caqabadaha dhinaca ammaanka ee hortaagan.

Wuxuuna shirku uu dib u eegis ku sameeyey caqabadaha dhinaca ammaanka hortaagan, howlaha aan qabsoomin iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen.

Sida lagu sheegay bayaan ay guddiga fulintu gabagabada shirka ka soo saareen ayaa lagu sheegay in wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi ay noqotay hay’adaha amniga ee isbeddelka la taaban karo ku tallaabsaday xagga qaab dhismeedka iyo dib u habeynta howl maalmeedka wasaaradda.

Hase ahaatee, shirka uu yeeshay guddiga Fulinta wuxuu walaac aad u weyn uu ka muujiyey xaaladda amni ee dalka oo qayba badan oo dalka ka mid ah ay sii murgeyso.

Wuxuuna Guddiguy uu carrabka ku dhuftay qabyaaladda, hubka sharci darrada ah oo dalka siyaaba badan u soo galaya, isku dhacyada beelaha oo dalka ku soo badanaya oo sababay malayiin barakacayaal ah iyo dowlad deegannada oo isku haysta dhulka xadka ah ee ay wadaagaan.

Arrimahaasi oo oo ay sii huriyaan wararka been abuurka ah ee lagu tabiyo baraha bulshada kuwaas oo mararka qaar sababa dagaal gacan ka hadal ah oo dhiig badan uu ku daato.

Wuxuuna ugu dambeyn shirka guddiga fulinta uu ku soo gabagaboobay isaga oo sheegay waxyaabaha amniga dalka halis gelin kara in wixi hadda ka dambeeya in gacan bir ah loola tago si wax waliba looga horreysiiyo xasiloonida dalka.

Haddaba dadka u kuur gala siyaasadda dalkaasi Itoobiya ayaa waxay ku doodayaan in amni darrada iyo guud ahaan xaaladaha aan xasilneyn ee ka taagan dalkaasi ay ugu wacan tahay isbeddelka ka dhacay dalkaasi in uu u dhacay si ka duwan isbaddalada siyaasadeed ee ka dhaca wadammada kale ee dunida.

Haddaba, Dr Cali Sheikh Axmed Dhagaweyne oo ku takhasusaya daraasaadka amniga caalamiga ah oo wax ka barta jaamacadda National University of Public Service oo ku taalla Pudapest oo BBC wareysi gaar ah siiyey wuxuu sheegay in isbeddelka ka dhacay Itoobiya uusan u dhicin sidii looga bartay isbeddellada siyaasadeed ee waddamada caalamka ka dhaca.

“Isbeddelku in uu ku yimaaddo xisbiya siyaasadeed oo mucaarad ah oo isu tagay oo ku qanacsanaan waayey geeddi socodka siyaasadeed ee dowladda marka ay labada dhinac oo taageera shacab kala haysta ay isku mari waayaan siyaasadda dalka si xal looga helo waxaa la go’aansadaa in la galo isbeddel siyaasadeed oo dimuqraadiyad ku dhisan labada dhinacna ay heshiis ku yihiin.” ayuu yiri Dr Cali.

“Isbeddelka Itoobiya ka dhacay wuxuu ahaa mid aan isku habeysneyn oo bulshooyin kala duwan ay ka cabanayeen dowladda xisbiga EPRDF uu hoggaamiyo sida ay wax u waddo, tasoo keentay iney qolo walba isbeddelka gooni u sameyso.”

“Isbeddel marka uu dhaco shacabka ku nool dalka uu isbeddelka ka dhacay falcelin fara badan ayey sameeyaan taas oo laga yaabo inay saamayn u ku yeelato nabadgalyada guud ee waddanka oo dhan, isbeddel kasta oo dimuqraadiyadeed oo dhacana waxuu wataa qalalaasyo laguba garto inuu dalkaasi isbeddel ka dhacay.” ayuu sii raaciyey Dr Cali Sheikh.

Dr Cali mar uu ka hadlayey halka uu isbeddelka Itoobiya ka dhacay uu ku dambeyn karo wuxuu yiri “isbeddelka Itoobiya ka dhacay wax badan oo uu qabtay oo wanaagsan oo bulshada ka farxisay oo ay qaadday xukumadda Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed, balse su’aasha taagan ee la is waydiinayo waxay tahay isbeddelka ma yahay mid dhab ahaan sharciga ku saleysan?”

“Tusaala ahaan Dr Abiy Axmed wuxuu ka dhawajiyey in xabsiga Itoobiya uu ahaa meel aragagixisada lagu sameeyo, marka shaqsiyaadki mas’uuliyiinta ahaa waa la beddelay laakiin nidaamki xabsiga uu ku dhaqmayey ma la beddelay sharci ahaan waa maya.”

“Marka ilaa isbeddel dhanka sharciga ah la sameeyo oo dawladda qaab dhismeedkaba si sharci ah wax badan looga beddelo lagama yaabo dadku inay inta badan ku qanacsanaadaan sida uu isbeddelka u dhacayo” ayuu yiri Dr Cali Sheikh Axmed Dhagaweyne oo ku takhasusay daraasaadka amniga caalamiga.

Isbeddelka siyaasadeed ee sanad ka hor ka curtay dalka Itoobiya ayaan la saadaalin karin halka uu ku biyo shuban doono.

Xigasho: BBC Somali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this