Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Fashilka Shirkii Garoowe, Arrinta Galmudug Iyo Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda 15-ka MAY maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kaga hadlay arrimo aad u badan.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday waxyaabihii keenay in la isku fahmi waayo shirkii Garoowe ee mudada Lix-da cisho ah socday.

“Markii aan meeshii isugu nimid oo la yiri waxa laga hadlayaa siyaasadda guud ee dalka iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa, waa la is calool xaartay, waa la wadahadlay, qof walba fekerkiisa ayuu keenay, waan kala qaadannay fekeradii, Ra’iisul wasaaraha wuxuu keenay qorhshihii iyo wixii loo baahnaa in laga wadahadlo, wuxuu keenay dhowr shuruuc iyo hindise sharciyeedyo loo baahan yahay inaan iyagu kala tashanno, oo go’aan wadareed laga gaaro, waxay ku bilaabeen madal ayaa loo baahan yahay, ma xuma in la wadashado laakiin madashu maxay ku dhisan tahay….annaga oo tixraaceyno dastuurka qodobkiisa 52-aad waa sax in xiriir joogta ah oo iskaashi ah la yeesho laakiin meel ay kaga taallo madal in la sameeyo kuma jirto, marka waxaan ku tallinay in mar walba la isku yimaado annaga oo wadatashaneyna, maxaa yeelay madal waa lasoo arkay haddii ay wanaagsaneyn iyo haddii aanay wanaagsaneyn” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka iyo madaxda dowlad goboleedyada waxa ay ka dhaheen.

“Waxaan u gudubnay doorashooyinka, waxay qabaan walaalahey in gacantooda dib loogu soo celiyo, haddee doorashadan waxaa looga hadlay Baydhabo oo si fiican looga dooday kulligeenna aan wada saxiixnay qaabkii ay doorashadaasi noqon lahayd”

Dhanka kale, madaxweyne Maxamed C/laahi ayaa tilmaamay in madaxweynaha Galmudug uu diiday xalkii maamulkaasi, islamarkaana uu doonayey muddo kororsi badan.

“Arrinta Galmudug waxaan ku tallinay in dib u heshiisiin laga sameeyo markii la weydiistay waqti kororsi, waxaan ku niri waqti kororsi waxaa ka horreeya dib u heshiisiin in laga bilaabo kadibna doorasho loo gudbo, madaxweynaha Galmudug wuu nagu raacay laakiin markuu tashi geliyey wuu isbedalay…arrinta Galmudug markaan ka hadalno waan aragnay dhibka jiro, waxaa loo baahan yahay in la wadahadlo dadka gobolka deggan, madaxweynaha walaalkey ma aqbalin oo dawadii ma qaadan” ayuu yiri madaxweynaha.

Jubbaland iyo Galmudug ayaa si cad u sheegay in madaxda Federaalka aanay dooneyn xalka dalka oo ay leeyihiin dano gaar ah, iyadoo fashilka ku yimid shirka Garoowena ku sheegay in DFS ay mas’uul ka ahayd.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this