Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Hiiraan oo awaamiir dul dhigay Shacabka Deegaanadaasi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN): –Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmad Hagar (Dabageed) ayaa sheegay inay la bilaabayo dhismaha Buundada Deegaanka Ceel-Gaal  ee duleedka Magalada Baladweyne ee gobolka hiiraan,taas oo burbur xoog leh soo gaaray kadib markii Roobab,Mahiigaan ah ay ka da’een halkaasi.

Gudoomiye Yuusuf  ayaa shacabka ku dhaqan Deegaankaasi usheegay in la hakin doono gebi’ahaan ba isu socodka Dadka iyo  Gaadiidka inta lagu guda jiro dhismaha Bundada.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo xubno katirsan Maamulkiisi ayaa shalay gaarey Deegaanka Ceel-Gaal waxaa ayna dadka deeganka ku wareejiyeen qalabkii lagu dhisi lahaa Buundada.

Buundadan   ayaa muhiim u ah isku-socodka Gaadiidka Xamuulka ah ee iskala  goosha Goboladda dhexe iyo Waqooyiga Soomaaliya, hadii la dayactirana waxaa ay noqonaysaa faa’iido usoo hoyatay Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Deegaankasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this