Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadkii Qafaashay Dhakhaatiirtii U Dhashay Kuuba Oo Dalbaday Lacag Madax-furasho Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Odayaal dhexdhexaadin ka galay Labada dhakhtar ee u dhashay dalka Kuubaa ee bishii hore laga soo afduubtay magaalada Mandhera ee W/bari Kenya ayaa sheegay in dadka afduubka u haysta Dhakhaatiirtaasi codsadeen in la siiyo Lacag madax-furasho, si ay u sii daayaan Dhakhaatiirtaasi.

Cuban-doctors-Herera-Correa-left-and-Lan

Odayaashaasi oo la hadlay TelefishinkaThe Citizen ee dalka Kenya waxay sheegeen in dadka qafaashay Dhakhaatiirta dalbadeen in la siiyo lacag dhan 150 million oo Shillinka Kenya oo u dhiganta 1.5 million oo Dollar, si ay u sii daayan Labada Dhakhtar.

Dhinaca kale, Telefishinka Citizen waxa uu ka soo xigtay odayaashaasi inay sheegene inay Labada dhakhtar oo lagu kala magacaabo Herera Korea iyoLandy Rodriguez ay nool yihiin, isla markaana lagu hayo dhulka fog ee u dhexeeya magaallooyinka Bu’aale iyo Ceel-cadde ee Jubbaland, waa sida uu TV-ga baahiyey.

Labadaasi Dhakhtar waxaa bishii Aprril 12-dii ee sannadkan laga soo qafaashay Degmadda Mandheera, xilli ay ku sii jeedeen Isbitaalkii ay ka hawl-geli jireen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this