Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali La Kala Dooransiiyay Salaadda Iyo Shaqada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Minnesota)-Haween Muslimiin ah ayaa maxkamad ku taalla gobolka Minnesota u gudbiyay dacwad ka dhan ah shirkadda Amazon, iyaga oo ka cabanaya in loo diiday in la siiyo goob iyo waqti ay ku tukadaan, sida uu qoray wargayska middleeastmonitor oo soo xiganaya wakaalada wararka ee Anadolu.

106968103_62743c0b-b391-47a0-bac5-f6a39e

Saddexdani qof oo asalkoodu yahay Soomaali ayaa sheegay in marka la eego sida loola dhaqmo dadka caddaanka ah iyaga si ka duwan loola dhaqmay.

Cabashadan ayaa toddobaadkii aanu soo dhaafnay loo gudbiyay guddiga sinnaanta fursadaha shaqaalaysiinta, waxaana ay shaqaalahan ku doodeen inay shirkada Amazon ku tumatay hal-kudhigooda VII oo ah mid looga hortagayo kala sooca ku salaysan diimaha.

“Dacwadahan ayaa sidoo kale sheegaya in shirkadda Amazon ay samaysay midab takoor, shaqaalaha Soomalida iyo kuwa ka soo jeeda bariga Afrika ee u qalma dalacsiinta aan la siin iyada oo sad-bursi loo samaynayo shaqaalaha caddaanka islamarkana jawi adag ay ku shaqeeyaan,” waxa sidaasi lagu sheegay bayaan uu soo saaray urur kiiskan u matalaya haweenka cabanaya.

Shaqaalahan ayaa markii ay cabashada u gudbiyeen shirkadda, waxaa la siiyay “qoraalo iyo digniino” ku aadan in shaqada laga ceydhin doono.

“Dadka aan matalyno waa la dhibaateeyay waana la bartilmaameedsaday sabab la’aan, iyada oo la eegayo diintooda, midibkooda iyo meesha ay ka so jeedaan,” ayey tidhi Nimra Azmi, oo ah qareen ka tirsan urur u dooda muslimiinta.

Ururkani u dooda Muslimiinta ayaa intaa ku daray in inkastoo ay maamulayaasha Amazon yihiin caddan hadana tira badan oo ka mid ah shaqaalaha ay ka soo jeedaan Bariga Afrika.

Cabashadan ayaa sidoo kale muujinaysa in markii shaqaalaha ay cabasho u gudbiyeen shirkadda Amazon ay mamulka shirkadda billaabeen “olola aargoosi ah oo lagu dhibaataynayo shaqaalaha”.

Labo ka mid ah saddexda qof ee shaqaalaha ee cabashada gudbiyay ayaa wali ka shaqeeya halka midka kalana “shaqada laga tiray” bishii Disembar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this