Suldaanka

Somalia's Education Ministry exam papers ordeal is harbinger for election ballot papers (if ever)

Recommended Posts

gooni   
1 hour ago, Gheelle.T said:

 

Saaxiibkeen gooni Kacaankii buu wali ka sabri la'yahay oo wuxuusan ogayn in maanta Soomaali waxbarashadu inta badan ay ka tayo iyo tiro wanaagsan tahay tii Kacaanka. Maanta meel Soomaaliya ku taal oo heer tuula ah oo iskuul ku ool ma jirto. Marka yaan laga qasin riyaddii kacaanka ayaa wali u socota xaajiga

Lool kacankii wax looga samro lama hayo saxiib hadaan la iska indho cadaynayn sodonkii sano ee kacaanku mootanaa waa wakhti ka badan intuu soo talinayay miraheediina way muuqataa.

Ma aamin lahayd jaamacadii umadda in shisheeye wax barasho usoo doonan jiray?

Fasaxaaga soo socda hadii alle idmo markaad garoowe tagto, baadiye kasoo kaxee wiil 15 jir ah, oo geel la jooga waxaad gaysaa iskoolka ugu fiican magaalada waxaad ku tiraahdaa waa inuu fariisto dugsi sare wixii kaaga soo noqda nala wadaag adigoo mahadsan.

Waxay kuu sheegayaan inaad gayso sadex bilood oo wax barasho habeen ah oo u dhiganta dugsi hoose oo bil ah dugsi dhexe oo bil ah iyo tan sedexaad oo uu kala fariisanayo dugsiga sare waaba intaa wax barashada ilaa tuulo gaartay oo aad sawiradeeda daawatay.

Kuwa caadiga loo geeyo iskuulka ayagoo yar yar waxaa qol yar la fariisiyaa 60 ka badan kuraasta dambe kuwa la fariisiyay iska daa inay sabuurad arkaane haday oxcagin helaan bay nasiib leeyihiin.

Iskuulku waa buuxaa wali lagama maqal somaaliya muhiimku waa $, aqoon tayo leh waxay u baahantahay dawlad kontoroosha iyo manhaj sharci ah oo lagu hago.

Ma qabo niman lacag ka samaynaya waxbarasho aan tayo lahayn in amaan loogu daro oo aan lala xisaabtamin.

Ramadan kariim saaxiib long time no see.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gooni,

Miraha kacaanku ka tegay waa inta hadda taalla, dil iyo burbur. Intuu qabtay waxaa ka daran inta dhib ah oo uu gaystay, laakiin isku xiiqin maayo saa adaan ku ogahay oo qof si objective ah wax u qiimayn kara ma tihid'e. Kacaan haddii wax laga sheegana si personal ah baad u qaadataa si in reerka ama odaygii AUN wax laga sheegayo. Runtu waxay tahay maanta Soomaliya ka iskuulo badan, jaamacaddo badan, ka aqoon iyo dhaqaale badan tii Kacaanka. Nabad la'aan iyo inay jirto iyo dowlad xumo cid isku haysata ma laha, laakiin dadka Soomaalidaa maanta in general are socially more prosperous than the era of the dictatorship.

Wiilka 15-ka jirka ma fahmin meel aad u waddo sheekadiisa. Malaha adaa ka af-laxay iskuulkii seeraalaha ee Xamar laguu keenay markii geella lagaa soo kaxeeyay. Taas waa kaftan!

Reerku geel ma laha, laakiin mid dugsi raba haddaan arko ama maqlo waan ku qorayaa iskuul insha Allah.

Ramadan Kareem

  • Like 1
  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Cheelle

Arrinta labo u kala qaad adigoo maanka ku haya runtu inaysan ragga xiijin

Tan kowaad waa asaaskii dhibka haysta somaaliya oo ah in qabiil laysku dilo laguna dumiyo dawlad, ayadoo wax dulum iyo dhib ah la qabin. 

Aabihii asaasayna wuxui ahaa geesgii asaasay puntland mudane c/lahi yusuf

Kana dhigay budo giooni u tuman, markuu dalkii intiisii kale quluubtoodii madoobeeyay.

Tan labaad waa tagidii siyad barre, siyaad barre wuxuu ka tagay dal dhisan iyo dad wax qora wixii dhib ah oo ay la yimaadeen dabadiis ayagaa ka masuula.

Tan soo raacda waa tan waafaqsan mowduuca wax barashada, ilaa iyo hada dadka aqoon iyo cilmi, ciiddan, dhankasta wax la bidayo waa dadkii kacaanku wax kusoo bartay

Sodonkii sano ee ka dambeeyay waxaa la dhisay iskuula badan iyo jaamacado ka badan iskuulada inay dal aqoon ku badbaadiyaan iska daaye ayagaa naftoodii in kaluun cuno u hibeeyay,.

Sababta koowaadna waa tayo xumada aqoonta iyo dawlad la'aanta..

Waxaan caqli gal noqon karin in mufakar aqoon leh sidaadoo kale, inuu kala garan waayo samankii siyaad barre iyo maanta oo uu agtaagan yahay toban madaxweyne oo kabo kala gedisan wata.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.