Deeq A.

Xildhabaan DHAKOOL oo maanta la hor-geeyay maxkamadda Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa la sheegay in gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex Garsoore Cabdi Qawdhan uu ku gacansaydhay inuu gal dacwadeed u furo xildhibaan Dhakoolkii oo aanay golihiisu xasaanadii ka xayuubin, kaasi oo saaka la geeyay maxkamadda isagoo weliba labada gacmood ka silsiladaysan oon laga xishoon sharciga, mudanaha iyo ummaddii uu matalaayey ee reer Sool iyo guud ahaan shacabka reer Somalilandba.
Ileyn saban walba wax uun baa laga sahaydaayee, sabankan xun ee boolisku noqday kuwa aan xitaa madaxda khaatuma xumaysanaysa u sharxin waxa ceebi ka soo gaadhi doonto iyo halka ay tahay in amarka looga beydhi karo oo uu ku hirgeli karo.
Nasiib wanaag waxa muuqatay maanta mar kale rajada shacabka reer Somaliland ee ah in dhalin yarada ka hawlgasha garsoorku aanay ahayn kuwii hore ee ee shaabada weynaa ee cidii xukuumaddu dabada ka wado xabsiga isu dhaafin jiray.
Cabdi Qadhani waxa uu bilay quruxdii qaranka Somaliland ee ahayd dal dimoqraadiya oo leh hay’ado is ilaaliya,kuwaasi oo awood u leh inay dalkan ka hor istaagaan hogaamiye kasta oo leh damac keligii taliyenimo oo u hamuun qaba inuu dulaysto ummaddan daalan ee beelaha iyo ardaayada loo kala qaybiyay, si loo xukumo oo iyaga laysugu mashquuliyo.
Inkastoo gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex ceebtii ka fogeeyay garsoorkii qaranka, bal waxa hadda su’aali la taagan tahay waxa gudoomiyihii dhalinyarada ahaa ee maxkamada sare ee dalka haystay uu ka yeelo, waxana loo joogi doonaa in sidiisii uu xilka si ku meel gaadh ah uga qaado garsooraha ceeb-diidka ah, sidii ku dhacday Garsoore Dalmarkii ka gaws adaygay in muwaadin gobol kale laga soo qabtay lagu maxkamdeeyo Hargeysa,iyadoo Burcadii laga keenay aan balaayo lagu ogayn.
Inta maamulka Muuse uu jirayaa waa dhawr sano, haseyeeshee waxa qormaysa taariikh. Waxa aan walaalkay sharciyaqaan Aaden Xaaji Cali u sheegi lahaa in aanay sumcadiisa cidi la lahayn iyo aakhiradiisa, islamarkaana ay tahay inuu dhaxal reebo una nasteexeeyo weliba hogaanka ummaddu dooratay een qoriga caaradiisa ku Iman.
Kolay sida saaka muuqatay rag baa leh ‘ waar saw la noolaadee ‘.
Weli shacabkan damiirku kama wada dhiman.

Mustafe Issa (Mustafe Shiine)

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in maanta Maxkamada Hargeysa ee G/Maroodi-jeex la hor-geeyay Xildhibaan Dhakool.

Xildhabaan Dhakool oo kamida xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayey habeen hore ciidamada Boolisku kasoo xireen magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa markii saaka la hor-geeyay Maxkamada waxa gebi-ahaanba diiday inuu dhageysto Dacwadii lagu soo oogay Gudoomiyaha maxkamada G/Maroodi-jeex.

Guddoomiye Cabdi Qawdhan ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan xarigiisa loo marin sifo sharci, isagoona ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xiray isagoo Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in aanay xaq u laheyn in ay dhageysato maxkamadu dacwada lagu soo oogay xildhibaanka, ilaa inta ay xildhibaanada Golaha Wakiiladu ka qaadayan xasaanada.

Xildhibaan Dhakool ayey ciidamadu dib ugu celiyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, kadib markii uu guddoomiyaha Maxkamadu uu diidey dhageysiga dacwada lagu soo oogay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The guy who was a member of this  cult over 20 years,  that is based on this nonsense, what was he thinking?

Waa gardaranyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   
16 minutes ago, maakhiri1 said:

The guy who was a member of this  cult over 20 years,  that is based on this nonsense, what was he thinking?

Waa gardaranyahay.

May I ask what cult are you referring to? 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Mr. Bihi violated his own constitution by arresting the MP without removing immunity through parliament, and that is making  a joke out of the whole Somaliland project. This arrest was wholly unnecessary. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   
17 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

Maakhiri think SomalilAnd  is a cult. If Somaliland  is  cult  what is shabaab sfg or other factions  in walanweynistan

In that case every government in the world can be considered a cult. By the way, I love your terminologies. Walawaynistan kulahaa😁

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   
8 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Tolkiisa wax difaaco waa u soo helay:

 

Thanks for the video laakiin adiga wax shaqo ahi meeshan kuuma taalo. This is the internal affairs of the free Somaliland people. Adigu markaad Bay iyo Bakool xabashida iyo argagixisada kasoo xorayso miiska nalasoo fadhiiso. Taa inta ka horaysa hadal kuuma furna🤐

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   
9 hours ago, Holac said:

Mr. Bihi violated his own constitution by arresting the MP without removing immunity through parliament, and that is making  a joke out of the whole Somaliland project. This arrest was wholly unnecessary. 

In Somaliland presidents believe that they are above the law and unfortunately there is no one to show them otherwise. The MP got himself into trouble by stoking controversy. A lot of people are languishing in prison for much less. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.