Sign in to follow this  
Deeq A.

<p class="has-medium-font-size">(SLT-Washingto...

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Xeeri Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka William Barr ayaa Arbacadii shalay hortagay Congresska si uu u difaaco sidii uu u maareeyey warbixin 22kii bishii March uu u soo gudbiyey dambi baaraha gaarka ah ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee sanadkii 2016kii. Barr ayaa sheegay in go’aanka uu warbixin kooban kaga qoray warbixinta dheer uu ahaa mid isaga u gaar ah. Barr waxa uu diiday su’aalo laga weydiiyey sida uu u sawiray waxyaabihii baadhista Mueller ka soo baxay.

D5961C8E-A72B-4412-B897-6D12AD887A1C_w10

Dhageysigan oo uu ka muuqday cadaawad xisbiyada u dhaxaysa ayaa Dimoqraadiyiintu ay su’aalo kulkulul ka weydiiyeen warbixintii afarta bog ahayd ee uu ku soo koobay warbixintii dambi baaraha gaar ah iyo waliba cabasho daba socotay oo Meuller uu isaga u gudbiyey.

Dimoqraadiga ayaa Barr ku eedeeyey si hoos u dhigay caddeymihii habdhaqankiii Trump isaga oo dadaal ugu jiray inuu sabab u yeelo go’aankiisii muranka dhaliyey ee uu doonayey inuu madaxda kaga dhigo mid ka maran inuu caddaaaladda horjoogsaday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this