Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir uu madaxweynaha xilka ka qaaday oo su’aal ka keenay sababta (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee wasaarada qorsheynta Somaliland Cawaale Ibraahim Shirwac oo dhawaan uu xilkii ka qaaday Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadlay xil ka qaadistiisa.

Wasiirka ayaa beeniyey in sababta uu Madaxweynuhu xilka uga qaaday ay tahay inuu ka qayb-galay dood lagu marti-qaaday Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo xiligan ay siyaasiyan is hayaan Madaxweyne Biixi.

Wasiirkii hore ee wasaarada qorsheynta oo arrimaha ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Dadku waxay leeyihiin anigu jawaab uma hayo, Bani-aadamkuna boqol sababood ayay sameyn karaan, laakiin anigu taan qirayaa waxa weeyaan Madaxweynuhu aniga ayuu xilka ii dhiibay oo shuruud kale igala muu gelin, oo shaqada ayaa noo ahayd shuruud oo aan shaqadeyda kasoo baxo oo dadkuna ii sinaadaan, oo aan noqdo Wasiir tusaale ah, sidaan qabo Madaxweynuhu markuu xilka iga qaaday kulamadii ka dambeeyay ee aanu yeelanay, wax shaqadayda khuseysa oo dhaliil ah maan arag, jewi wanaagsan ayaanu Madaxweynaha ku kala tagnay”.

Wuxuu intaas kusii daray “Anigu shaqsiyan ma qabo hadaad i waydiiso, mana qabo in Madaxweynuhu uu qaabkaa u dhaqmo, Sannad iyo badh baanu soo wada shaqaynay, Madaxweynuhu waa qof arrimahaa ka sareeya, aragtidiisuna wax kale ayay ku mashquulsan tahay, markaa waxaan qabaa in Madaxweynuhu jeclaystay inuu Qof kale xilka u dhiibo”.

Wasiirkii hore ee wasaarada qorsheynta Somaliland Cawaale Shirwac ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyey xilkii Wasaaradda qorsheynta oo uu hayey muddo sannad iyo badh ku dhow.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this