Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhiga ciidamada DF ee Deegaanka SABIIB

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helaya weerar xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ku qaadeen saldhiga deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha Hoose ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka oo dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen, islamarkaana uu tagay madaxweyne Farmaajo.

Dadka deegaanka Sabiid ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya Ururka Al Shabaab iyo ciidamada dowladda uu muddo halkaasi ka socday, waxaana jira khasaaro soo gaaray dhinacyada dagaalamay.

Saraakiil u hadashay ciidamada xooga dalka oo ku sugan Sabiib ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka Al Shabaab ay iska difaaceen, islamarkaana Al Shabaab ay ka dileen xubno badan.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku qabsadeen mid ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Dowladda ee deegaanka Sabiib,isla markaana askar ay ku dileen.

Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee duleedka degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhowr todobaad ka hor waxaa Ciidamada Dowladda ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa waxay sido kale sheegay in markii hore weerarka uu ku bilowday madaafiic, kadibna ciidamadooda ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanka tababaray ku lahaayeen deegaanka Sabiib.
Caasimada Online
Xafiiska Sh/Hoose
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this