Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Senatorada Puntland u Matalayey Federaalka Oo Dhaleeceeyey Xukuumadda Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Senatarada Aqalka Sare ee ka soo jeeda dowlad goboleedka Puntland oo maanta ku laabtay deegaan doorashada Garoowe ayaa sheegay iney halkaasi u tageen wadatashi iyaga oo walaac ka muujiyey xaaladda dalka ee amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo xubnaha soo dhoweeyey ayaa ugu horeyntii sheegay in dalku ku jiro xaalad degenaanshiyo la’aan isaga oo soo qaatey in dhex-dhexaadintii aqalka sare ee dowladda federaalaka ah iyo dowladaha xubnaha ah aan weli dib la isugu soo noqon sii la rabay, oo weli waa taagan.

Sen. Cabdiraxmaan Faroole  oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri‘Dastuurkii qabyada ahaa waddada uu ku socdo waa qalad, oo wax ka hagaagey ma jiraan, 4-tii sano ee hey’adaha dowladda waxaa ka haray 18 bil wax dastuur ahna ma jiraan, maxaa yeelay dadkii ka shaqeyn lahaa dastuurka ayaa qaarkood maqan, waxaa maqan xubnihii maamullada ka socon lahaa, oo waxaa is hortaagey dowladda dhexe, waxaa ku xiga amniga dalka meesha uu marayo dhibaato badan ayaa ka jirta, waxaa jirta fagalelin doorasho oo Koonfur galbeed faragelintii ka dhacdey, dadka la dilay, kuwa xiran, waad ka war heysaan, doorashadii Puntland dowladda dhexe lacag xoog ah bey ku bixisay oo 21-ka tartamayey badidooda lacag ayaa la siiyey, si loo carqaladeeyo iney dhacdo doorasho xaq ah, oo xalaal ah, laakin nasiib wanaag dadka halkan jooga ciddii ay rabaan ayey doorteen, waxaa hadda taagan arrintii Jubbaland, oo xukuumadda heshiis la soo gashay wixii lagu heshiiyey wax micno leh oo ka hirgalay ma jiraan, dad badab baa jira Xamar lagu masruufo oo tartamaya, dad badan ayaa jira carqalad halkaasi ka wada, taasi international Communityga waa ogtahay, innagu waan ognahay, shacabkuna waa inuu ogaa, labadii aqal faragelin iyo furfurid ayaa lagu hayaa waddanka meel fiican uma socdo, ninkii is leh wax baad ka bedeli kartaa waa inuu ogaadaa qol buu ku xiran yahay federaal la yiraahdo oo furihii ay maamulada heystaan iyo aqalka sare haystaan,”

Senator Cabdirisaq Xasan Jurille ayaa dhankiisa xusay iney halkaasi u tageen wadatashi iyo in Puntland dowlad goboleed ahaan iyo Senatorro ahaan hal dhinac wax ka wada arkaan oo hal buug wax ka akhriyaan.

Senator Jurille oo arrimahaas ka hadlayey waxaa uu yiri” Guddiga aqalka sare ee arrimaha gudaha iyo federaleynta inuu bilaabayo safar uu ku marayo dowladaha xubnaha ka ah, Puntland ayey ka bilaabayaan, xubnaha hadda socda guddiyo kale ayey ku kala jiraan sida guddiga arrimaha gudaha, guddiga kheyraadka, guddiga xeer-hoosaadka aqalka”.

Senator Mahdi Daahir Sheikh Nuur oo ka mid ah mid ah guddiga xeer-hoosaadka iyo shuruucda ee Aqalka sare oo ka Hadley shirka  jaraa’id ayaa sheegay in khakhal uu jiro oo siyaasi iyo mid amni “Kacsoon siyaasi ayaa jira, intii uu siyaasiyiinta dhexdooda yaal waa baab, laakin shacabkana ay lugta la gashay” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa, waxaa uu soo qaatey in Siyaad Barre u dhacay markii uu kalsooni ka waayey shacabka, taasina ay taagan tahay.  “Horta illaah waxaan ka baryaynaa Xamar mar bay burburtay in aanay mar labaad burburin” ayuu yiri Sen. Mahdi

Sen. Mahdi ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey“Waxaan u fadhinnaa in Soomaaliya kala tagin, askarta ilaalisa shacabka waadhagax, ganacsihihii kala wareeg galaayo waa dhib, waxaa looga fadhiyaa xal waafi ah, oo laga gudbo midda lagu jiro”.

Senator Maxamuud Axmed Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in imaatinkooda uu xaq dastuuri ah yahay, waxaa uu xusay in 2-badii sano ee tagay ay caan noqotey xiriirka ayaa loo jaray, khilaaf xoog lehna uu jiro.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this