Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Boqolaal shacabayaa maanta si weyn ugu soo dhaweeyay Muqdihso madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo xubanaha soo dhaweeyay ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia.  

Imaashaha Sheeh Shariif ayaa la sheegay inay salka ku hayso kulan uu maalinta Sabtida ah Muqdisho ku yeelan doono xisbiga Himilo Qaran oo uu aasaaskiisa lahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wafdiga Shariifka ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kulan muddo qaatay kula yeeshay wasiirka amniga Somalia, Maxamed Abuukar Isloow [Ducaale], iyagoo kawada hadlay xaaladda ammaan ee dalka, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qodobbada kale ee ay kawada hadleen.

Madaxweynihii hor ee Somalia hadal kooban oo uu taageerayaashiisa ugu jeediyay dhismaha uu ka daggan yahay Muqdisho, wuxuu ku sheegay inuu u mahad-celinayo cid walba oo gacan ka geysatay soo dhaweyntiisa, ayna dib iska arki donaan.

Dhanka kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xisbiga Himilo Qaran ay xubnihiisu kulan ballaaran ku yeelan doonaan Muqdisho Sabtida soo socota, iyadoo la filayo in looga dhawaaqo kulankaas hoggaanka iyo xubnaha xisbiga iyadoo la sheegay in hoggaamiye laga dhigi doono Guddoomiyihiii Hore ee Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Warar kale, ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kulan kula yeelan doono Vlla Somalia Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo haatan safar uga maqan dalka, iyadoo aan la ogeyn qodobbada ay kawada hadli doonaan iyo waxa kulankooda kusoo beegan xilligan oo ay socoto dambeyl siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Imaanshaha Shariif Sheekh Axmed iyo kulanka xisbiga uu aasaaskiisa leeyahay ee Himilo Qaran ayaa wuxuu kusoo beegmaya xilli ay dalka ka jiraan muranno siyaasadeed oo u dhexeeya DF iyo Axsaabta kasoo horjeeda hab-maamulka madaxda dalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this