Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Yemen oo walaac ka muujinaysa Tahriibayaasha uga imaanaya dhanka Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Taliyaha Ciidanka Badda ee waddanka Yemen, Jen. Khaalid Al-qamli ayaa sheegay in tahriibayaasha geeska Afrika ka yimaada ay khatar weyn ku yihiin dalkiisa, isagoo xusay inay ku biiraan xuuthiyiinta ama ay tahriib ahaan ugu sii gudbaan Sacuudiga, Sudan iyo Liibiya.

Sidoo kale, taliyaha ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyey shabakada khaaska ee wasaaradda arrimaha gudaha Yemen, isgaoo xusay inay dadka tahriibayaasha Itoobiya ay si joogta ah u soo gaaraan xeebaha gobollada kala ah; Shabwa, Laxaj iyo Abyan oo dhammaantood ka tirsan Yemen.

Wuxuu kaloo taliyuhu xusay inay qaarkood ku biiraan kooxaha Xuuthiyiinta oo ay u dhisaan dhufaysyadda ama ay ka bar-bar dagaalamaan, halka kuwo kale ay u gudbaan Sacuudiga ama Sudan oo ay uga sii gudbaan Liibiya illaa ay ka gaaraan Qaaradda Yurub.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Badda Yemen, Jen, Khaalid Al-qamli wuxuu ku sheegay wareysigiisa inay tahriibayaasha hub iyo daroogo ka keenaan geeska Afrika, si ay ugu gudbiyaan waddamada gobalka, sida ay xaqiijiyeen isbahaysiga dowliga ee saldhigiisu yahay dalka Baxrayn iyo Isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo.

Dhanka kale, Jen. Khaalid Al-qamli ma uusan soo hadal qaadin haddii in muhaajiriinta Soomaalida ah ay ku lug leeyihiin falalkaas, iyadoo ay ka mid yihiin muhaajiriinta gaara dalka Yemen dhallinyaro Soomaaliyeed oo rag iyo hablo isugu jira.

Ugu dambeyn, Billowgii bishan Abriil ee 2019-ka ayay shabakadda wararka u faafisa millateriga Yemen waxay qortay inay milliteriga Yemen dileen 30-qof oo Soomaali ah oo ka bar-bar dagaallamaysay kooxda xuuthiyiinta ah ee ka dagalaamaya yemen.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Yemen oo walaac ka muujinaysa Tahriibayaasha uga imaanaya dhanka Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this