Sign in to follow this  
Deeq A.

Faroole oo weerar culus ku qaaday dowlada Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi raxmaan Sheekh Maxamed Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya eeuu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Faroole ayaa ku dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya inay u hartay kaliya laba sano, sidaasi ay tahayna Dastuurkii dalka uu qabyo yahay wado qaldana lagu wado.

“Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah maadxweynaheeda iyo Baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax Dastuura oo maanta jiraana ma jiraan” ayuu yiri Faroole oo Garoowe ka hadlay maanta.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale Xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad aan waxba galabsan.

Balse wuxuu tilmaamay in Villa Somalia ay ku fashilantay fara-gelin ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Puntland oo sida uu sheegay ay lacago badan ku bixisay murashixiinta qaar inkastoo aysan soo bixin dadkii ay wadatay.

Senetor Faroole ayaa sii raaciyay in weli xukuumadda Federaalku ay waddo fara-gelinta dowlad goboleedyada, isagoo xusay in ay gebi ahaanba ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay Jubaland islamarkaana ay dabada ka soo riixayso murashixiin dhankeeda ka socda , si ay doorashada Jubaland u fara-geliso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this