Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay M/ Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Bam Gacmeed lagu weeraray xarun lagu tababaro Ciidamada dowladda oo ku taalla magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Weerarkan oo dhacay Xalay Fiidkii hore ayaa waxaa ku dhintay Askari ka tirsanaa Ciidankii ku tababaranayay halkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo Shabelle ay la xariirtay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkaasi.

Sidoo kale waxaa weerarka kadib xaafado ka tirsan degmada Jowhar Ciidamada ammaanku ay ka bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, kuwaas oo illaa saaka Ciidamadu ka wadaan magaaladaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo madaxda HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Jowhar ayaa aheyd mid dagan, iyadoo Ciidamada amnigu ay muujinayeen feejignaan dheeri ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this