Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo Degmada Shibis ka qabatay Sarkaal muhiim u ahaa Amniyaatka Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada NISA ayaa shaaciyay inay qabteen ruux ka tirsan Amniyaatka Al Shabaab, kaasi oo la sheegay inuu ku sugnaa degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Ruuxa la qabtay walow aan la shaacin magaciisa, haddana qoraal kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inuu kamid ahaa xubno Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka ka dhici jiray Yaaqshiid, Shibis iyo Heliwaa.

Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu shaaciyay in ruuxaasi lagu qabtay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay xaafado ka tirsan degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

“Ciidanka amniga ayaa gacanta kusoo dhigay Xubin  Amniyaatka Alshabaab ah oo ku sugnaa degmada Shibis. Eedaysanahan oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ayaa lagu tuhmayaa inuu ka danbeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaystay ayuu lagu yiri War kasoo baxay NISA.

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa bilihii u dambeysay howlgallada ay ka fuliso Magalada Muqdisho iyo gobolada dalka soomaaliya waxa ay kusoo bandhigtaa Baraha Bulshada, iyada oo ilaa iyo hadda aysan jirin wax Warbaahinta loo soo bandhigay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al shabaab oo ku aadan sarkaalka NISA ay shaacisay in lagu qabtay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this