Sign in to follow this  
Deeq A.

Burcad-beed doonyo ku weerartay xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hawlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga iyo la’dagaallanka burcad-beedda Soomaalida, ayaa sheegay  in Axaddii la soo dhaafay laba doonyood oo kalluumaysi ay burcad-beed ku weerartay xeebaha Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay hawlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaan (EUNAVFOR), ayaa lagu sheegay in labada weerarba ay fashiliyeen ilaalo hubaysan oo saarnaa doonyaha kalluumaysi ee la weeraray.

Doonyaha oo magacyadooda lagu sheegay; Adria iyo Txori Argi, ayaa burcad-beedu ku weerartay, meel 280 Nautical miles u jirta xeebaha Soomaaliya, sida ku xusan qoraalka EUNAVFOR.

Hawlgalka Midowga Yurub, ayaa sidoo kale sheegay in labada doonyoodba ay saarnaayeen, ilaalo hubaysan oo ka difaacday, isku’ dayga kooxda burcadda ah ku doonayeen in ay af-duubtan.

Kooxda weerarka qaadday, ayaa laga shaki qabaa in ay wateen, doonni la sheegay in jimcihii hore laga qafaashay xeebaha ku beegan bartamaha Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay hawgalka Midowga Yurub, ayaa digniin lagu siiyay maraakiibta iyo doonyaha gooshaya xeebaha Soomaaliya, in ay xoojiyaan ilaaladooda hubaysan, si ay isaga difaacan weerarada noocaan oo kale.

Burcad-beedda Soomaalida oo mar halis weyn gelisay amniga maraakiibta iyo doonyaha ka goosha xeebaha Soomaaliya, ayaa hoos u dhac ballaaran ku yimid, tan iyo sannadkii 2012,  kadib hawlgallada joogtada ah ee ciidamada NATO ka ka wadaan halkaasi.

Sidoo kale, maraakiibta iyo doonyaha oo samaystay ilaalo hubaysan, ayaa qeyb ka ah hoos u dhaca burcad-beedda, sida ay rumaysan yihiin khubarada wax ka yaqaan amniga badaha.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Burcad-beed doonyo ku weerartay xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this