Sign in to follow this  
Deeq A.

Bulshada Somaliland oo ka walaacsan hab dhaqan ay lasoo baxeen ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Bulsho-weynta ku nool deegaanada Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujiyey dhaqano arxan-daro ah oo muddooyinkii udambeeyay Ciidamada Boolisku kula kacayeen Shacabka reer Somaliland.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxay ku kacayeen hab-dhaqano layaab leh oo hoos u dhac weyn ku keenay kalsoonidii ay umadda reer Somaliland ku dhex lahaayeen.

Waxaana muddo badan isa-soo tarayay cabashada culus ee ay qabaan dadka danta-yar ee suuqyada ku ganacsada dhibaatada ay kala kulmaan Ciidamada ammaanka, sida rarista dadkaasi ku ganacsada jidadka hareerahooda oo marar badan la arko qaabka arxan darrada ah ee Boolisku u jiidjiidaan dadka una galalafaan hantida qorax-yaalka ah.

Sidoo kale Saxaafadda ayaa iyadana muddo dheer ka cabaneysay habka dhibka badan ee Ciidamada Boolisku ula dhaqmaan marka ay howlagalo ka dhan ah Saxaafada fulinayaan, waxaana aad loo wada xasuustaa qaabkii uu dhowaan Askari katirsan Ciidamada Boolisku uu ku waxyeeleeyay gabadh wariye ah iyo sawir qaadaheedii.

Dhinaca kale, falkii loogu hadal haynta badnaa 48-kii saacadood ee ugu dambeeyey ee ay geystaan Ciidamadu ayaa waxa uu qabsaday Baraha Bulshada, kaasi oo ahaa muuqaal muujinaya qaabka argagaxa leh ee labo askari oo katirsan ciidamada Boolisku ula dhaqmayeen haweenay ummul ah oo kamid aheyd dadkii khasabka lagaga rarayay dhulka laga dhisayo Madaxtooyada cusub ee galbeedka Hargeysa.

Falkan argagax leh ee Labada askari, ayaa soo if-bixiyey sida shacabku khaati uga taagan-yihiin soo laab-laabashada falalka arxan-darada ah ee ciidamada ammaanku kula dhaqmaan muddooyinkan ugu dambeeyey.

Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa sanadkii hore soo saartay warbixin dheer oo ay kaga hadlayaan duruufaha ka jira xabsiyada Somaliland ee ay gacanta ku hayaan Boolisku iyaga oo ku tala-bixiyay in Ciidamada booliska Somaliland u baahan yihiin dib u habayn.

Waxa sidoo kale xusid mudan in dhowaan Golayaasha sharci dejinta ay ansixiyeen wax ka baddal lagu sameeyey xeerka Booliska Somaliland oo ay shacabku filayeen inuu xeerkaasi noqon doono mid dammaanad qaada inay kaga badbaadaan dhibaatada ka soo gaadha Booliska, balse xeerkaasi ayaa dib loo soo celiyey isagoo wax ka baddalna lagu sameeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this