Sign in to follow this  
Deeq A.

“Farmaajo iyo Kheyre waxa ay si gaar ah dagaal ugula jiraan 2 maamul goboleed”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dhaliil kulul u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaan Axmed Cabdi Cali oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ay ka dambeeyaan dhibaatada heysata deegaanada Hirshabeelle.

Xildhibaan Axmed Cabdi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhuun qabatay maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, islamarkaana ay horumar ka sameyn waayeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

SIdoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay  yareysay dhaqaalaha loogu talo mashaariicda dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanka taasi badalkeeda Jubbaland iyo Puntland la siiyay dhaqaalo dheeraad ah.

“Dhibaatada Hirshabeelle heysata waa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre, waxaad og tihiin in lacag dib u heshiisiin loogu talo galay in lagu hagraday Galmudug iyo Hirshabeelle halka maamulada kale loo kordhiyay”

“Galmudug iyo Hirshabeelle ayay diidan yihiin inay horumar gaaraan, Hirshabeelle waad og tihiin dad magac leh ayaa ka dhashay, waxaa la diidan yahay horumarkooda iyo xadaarada ay gaareen”ayuu yiri xildhibaanka.

Hoos ka daawo Muuqaalka Xildhibaan Axmed Cabdi Cali.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this