Sign in to follow this  
Deeq A.

Prof. GAANDI oo ka hadlay diidmada DF Soomaaliya ee maqaamka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Professor Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ahaa siyaasiyiin shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo laga doonayo iney caddeyso maqaamka magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Gaandi in shirkii Carte ee Jabuuti illaa hadda la sheegayey un maqaamka caasimadda, balse aanay jirin dowlad si rasmi ah uga hadasha.

Sidoo kale, Gaandi ayaa sheegay in dowladda ay dayacday dalka, islamarkaana bedalkii Al-shabaab ay dalka ka saari lahayd lasoo faarujiyey deegaanno kale, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gaandi ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed loo baahan yahay in fasiraad laga siiyo sababta loo diidan yahay in xal laga gaaro maqaamka Muqdisho, oo dowlad kasta ay arrintaas isku hor-taageyso.

Halkaan hoose ka dhageyso

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/PROFSOR-GAANDI-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this