Suldaanka

The two Professors in Burco

Recommended Posts

Dr Cali Khaliif Iyo Prof Axmed Ismaciil Samatar Oo Joob Fagaare Ah Kula Hadlay Shacabka Ku Nool Magaalada Burco Iyo Waxyaabaha Ay Kala Hadleen Shacabka

18/04/2019(BNN) Waxaa magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer Caawa lagu Qabtay Munaasibad ay Prof Cali Khaliif Galaydh iyo Prof Axmed Ismaciil Samatar ay kula hadlayaan Bulshada Burco, Taasi oo ku saabsan Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka.

Prof. Samatar ayaa ka hadlay Arimo kala duwan oo kus aabsan Xaalada Somaliland, iyo Doorashooyinka dhowr jeed dib loo dhigay.

“Doorashada baarlamaanka ee wakhtigeedu dhamaaday ee madaba badan ee sagaalka sanadood ah dhaafay Shacabka Somaliland dulqaadkii wuu ka yaraaday waxaanay rabaan in doorasho la galo.” Ayuu yidhi Prof Samatar.

Wuxuu Fariin gaar ah u diray Muuse Biixi iyo Xubnaha kale ee Taladaha haya hada “Madaxweynaha iyo inta kale ee la socota ee wadanka gacanta ku haysa anigu kolayba waxaan idiin haystaa dad si xalaala uga soo baxay doorasho adag oo la galay, Wadankii idinkaa gacanta ku haya Markaa waxaan idinka filaynaa in aad dulqaadkeedii yeelataan oo aad dooda xamishaan.” Ayuu yidhi Samatar oo dhowaan dhaliilo ku miisay Xisbigii uu Ololaha u galay ee Kulmiye.

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo Mudooyinkii dambe Ku sugnaa Somaliland, islamarkaana aan la dhaqan gelin Heshiiskii ay la gashay Xukuumaddii Siilaanyo ayaa dhankiisa ka hadlay Arinta Dastuurka Somaliland oo dhowr jeer uu sheegay in loo Furayo Khaatumo.

“Dastuurka arintiisu waa arin marwalba jirta, Siduu axmed ku tilmaamayayna waa baroosinka dimuqraadiyada Somaliland oo dhan” Ayuu yidhi Dr. Galaydh.

Dr. Galaydh oo Bulshada magaalada Burco la kaftamayey caawa ayaa yidhi “Burco berigii Hargeysa la duqeeyey maxaa anagana na loo duqayn waayey bay tidhi.”

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.